Somaliland: Caruurro Ay Dhaleen Wasiirrada Xukuumaddu Oo Buux Dhaafiyay Xarunta Ay Kuweyt U Dhistay Agoomaha Hargeysa

158
????????????????????????????????????

Dulmi Faraha Ka Baxay Oo Laga Soo Sheegayo Dugsiga Agoomaha Ee Kuwait Ka Dhistay Hargeysa Iyo Ubad Wasiirro Dhaleen Oo Goobta Buux-dhaafiyey

Dugsiga agoomaha loogu talo galay ee ay dawladda KUWAIT ugu talo gashay in ubadka aan aabaha lahayni wax ku bartaan eek a dhisan dhinaca bari ee magaalada Hargeysa oo muddo sanado ah dhisnayd, ayaa waxa kasoo baxaya cabashooyin kala duwan oo halis ku ah ujeeddadii loo dhisay dugsigaas.

Maamulka Dugsigan, ayaa lagu eedaynayaa inay carruurta agoonta ah ee dugsigaas dalbada loo diida, isla-markaana muhiimad gaar ah la siiyo ubadka ay dhaleen wasiirro, xildhibaanno, salaadiin iyo dad kale oo awood dhaqaale leh, kuwaas oo lacago laga qaado.

Cabashooyinka dugsigan kasoo baxaya oo aad u tiro badan, isla-markaana bulshada deegaanka intooda badan ka imanaya, ayaa waxa dib usoo cusboonaysiisay shabakadda wararka ee DALSOOR oo iyadu warbixin dheer ka diyaarisay qaabka uu dugsigaasi u shaqeeyo, waxana ay soo xaqiijisay shabakaddani in dugsigaasi loogu adeego cid aan ahayn agoomihii ay dawladda dhistay ee KUWAIT u dhistay.

Ugu horrayn Maxamed Axmed oo hore uga mid ahaan jirey maamulayaasha dugsigan qaybtiisa Hoose, waxana uu  horseed u ahaa dhallinyaradii ka xumaatay dhibaatada lagu hayo agoonta loogu talo galay dugsigaas oo aan intooda badan loo ogolayn inay dugsigaas soo galaan “Marka ay noqoto maamul iyo fulin, go’aan qaadasho, eryis iyo ciqaab ardayga agoonka ah way dhib yar tahay in go’aan laga qaataa, waayo wuu nugul yahay oo isagii baa iskuulkii u baahan, siyarna waa lagu eryi karaa, laakiin ardayga lacagta bixinaya aad bay u dhib badan tahay inaad eridaas” ayuu yidhi Maxamed Maxamed Axmed.

Macallin Maxamed Axmed oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale dibadda usoo saaray kala faquuq ka dhex jira ardayda dugsigaas dhigata iyo tixgelin gaar ah oo la siiyo arday ajaanib ah oo dugsiga dhigata, waxana uu yidhi,“imika waxa ay sameeyeen qaybta dugsiga sare, fasallo gaar u ah ardayda carabta ah, kadib majhaj Suudaani ah loo sameeyo oo macallimiintana in yaroo koobani ay wax u dhigaan oo ay fasallo gaar ah galaan”.

Hooyo Saynab Axmed Jamac oo ah ah hooyo haysata lix carruur ah oo agoon ah oo isku dayday inay carruurteeda agoonta ah dugsigaas gayso, ayaa shaaca ka qaadday in loo diiday in ubadkeeda la qoro, waxana ay intaas raacisay in weji-garasho lagu qoro xataa ciddii la qorayo, waxana ay tidhi, “lix carruur ah  oo agoon ah baan haystaa markii aan tegay xafiiska dugsigana waxa la igu yidhi way buuxsantay, markii dambena waxa la igu yidhi meesha weji baa la isku qoraa oo qofkii qof garanaya uun baa meesha la geeyaa.”

Qaar kamid ah shaqaalaha goobta, ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Dalsoor in qofkii isku daya inuu agoonta udoodo shaqada laga caydhiya, isla-markaana boobka agoontu uusii dheeryahay takoorid lagu hayo ardayda Soomaalida ah.

Dugsiga KUWAITIGA ee Hargeysa ku yaalla, ayaa cabashadiisu tahay mid aan joogsi lahayn, waxana wararka soo baxayaa xaqiijinayaan in si weyn loo leexiyey ujeeddadii dugsigaas loo sameeyey, isla-markaana tirada ugu yar ee agoon ahi ay dugsigaas dhigato, halka inta badani yihiin arday dad maal-qabeenno ahi dhaleen oo qaarkood lacago aad u badan laga qaado.

Comments

comments