Somaliland: Garabka Jamaal Cali Xuseen Ee Xisbiga UCID, Oo Wadahadalo La Furay Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE

204
Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

Garabka uu hoggaaminaayo Jamaal Cali Xuseen ee Xisbiga UCID ayaa wadahadal rasmi ah la furay xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI sida uu bartiisa Facebook-ga ku faafiyay Mohamed Gacayte oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UCID ee garabka Jamaal Cali Xuseen waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sida tan:

Breaking news: Garabka aqlabiyada Xisbiga Ucid ee uu hogaaminayo Musharax Jamal Ali Hussein ayaa wada hadalo hordhac ah la furay Labada Xisbi ee WADDANI IYO KULMIYE, Maadaama waxa na horyaala ay yihiin labadan Xisbi oo kaliya, waxa khasab nagu ah inaanu qolo walba eegno qorshahooda, Cidna uma xidhnin balse kii aanu u aragno in dantu ku jirto ayaanu xoojin doonaa kadib markaanu la tashano masuuliyiinta iyo dhamaan taageerayaasha gudaha iyo dibadaba ee garabka Jamal Cali Xuseen. Ilaa imika ma jiro cid aanu si gaara ah wax ula wadnaa wararka suuquna waa dacaayadahii awalba jiray waxna kama jiraan.

Runtii Wada hadaladu way ka culusaanayaan sidii hore waayo Xisbi dhan ayaanu nahay oo leh Xildhibaanadiisii Golayaasha deegaanka dalka ilaa dhowr iyo sodon ay ku jiraan Maayarada ugu badan dalka iyo Xildhibaanadiisii baarlamaanka Labada sidoo kale cudud iyo taageerayaal dalka iyo dibadaba ah loo dhan yahay. Isbadal ayaanu dalkan la doonaynay balse waxa nalagu qaaday dagaal siyaasadeed oo awoodkii xukuumada iyo sharcigiiba naloo adeegsaday shacabkii somaliland ay ka aamuseen dulmiga iyo cadaalad darada dhacday ee aan la doonayn wax Isbadal oo dalka ka dhaca.

Talaabada aanu qaadi doonaa waxaanu rajaynaynaa inay noqoto mid badbaadisa somaliland.

Comments

comments