Somaliland: “Anigu Ma Garanayo Wuxuu Sifirna Madax Inoogu Noqonayo, Buubaana Federaal” Cali-gurey

206

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo ah siyaasi hadal cad, ayaa sheegay inaanu xisbina ku biirayn, balse uu codkiisa siinayo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isagoo iska fogeeyay inuu Muuse Biixi ku taageerayo qabiil ahaan.

Cali, oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu kaloo sheegay inaanu garanayn sababta loo kala saraysiinayo Dr. Sifir iyo Prof Buubaa ee midna xil loogu dhiibayo midna magaciisa loo dilayo. Ugu horayn isagoo ka hadlaya xisbiyada iyo Faysal Cali Waraabe wuxuu Cali yidhi “Saddex xisbi ayaan doorashooyinka ku geli jirnay, doorashadan soo socota saddex xisbi maaha, xisbi wuu dhintay, annigu cid kale eed saari maayo ee wuxuu ku dhintay gacanta Faysal Cali Waraabe oo waala isticmaalay. Faysal Cali Waraabe maaha guddoomiye iyo murashax, waa qofkaas bilaa damiirka ah ee keligii halkaas taagan. Kuwii hore ee ka tagay waa kuwa Waddani noqday, ee isag ka horeeya; kuwii u soo gurmaday wuxuu ku sameeyay waad ogtihiin. Qof bini-aadam ah oo abaal loo galo oo wax la taro oo noocaas ahina aniga noloshayda imuu soo marin. Dadka wixii aanu siyaasadda ku kulanay qofka ugu liitaa ee I soo maray weeye.”

Cali oo ka hadlaya Jamaal Cali Xuseen, wuxuu hogo tusaaleeyay inaanu ku sii milmin muranka Faysal islamarkaana uu ka soo kaban karo guuldarooyinka siyaasadeed haddii uu is daba qabto “Galadu kuma jirto inaanad mar qudha kufin ee waxay ku jirtaa markaad kufto inaad kici karto. Jamaal wuu kufay laakiin, waa nin dhallinyaro ah oo da’ yar haddii maalintaad kufto aad dhulka galgalato waxay noqonaysaa in qiimahaagu hoos u sii dhaco.”

Cali wuxuu sheegay inaanu xisbina galayn balse uu codkiisa siinayo Murashax Muuse Biixi Cabdi “Anigu xisbiba ma galin, hal cod ayaan leeyahay, halkaygana Muuse Biixi ayaan siinayaa. Anigu Muuse Biixi uma taageerayo oo codkayga qabyaalad, waan xisaabiyay uun. Halkan Waddani rag baa ku dhammaaday, waad ogtihiin inta halyey iyo inta nin weyn iyo inta wasiir ee meesha tagtay, kan keligii meesha lagaga tagay inaan is idhaahdo bal adna ku biirso wax.”

Isagoo ka hadlaya Ismaaciil Buubaa oo uu KULMIYE eeddo federal u jeediyo wuxuu yidhi “Anigu laba nin ma kala saraysiinayo Sifir iyo Ismaaciil Buubaa waa laba muwaadin oo Muqdisho ka yimid oo xilal ka qabtay, wuxuu midna u noqonayo federal, kii kalena madax inoogu noqonayo anigu taasna maan garan.”

Comments

comments