Somaliland: Xulka Saaxil oo ku Guulaystay Koobka Kubadda Kolleyga ee Ciyaaraha Gobollada

212

Koobka ciyaaraha gobollada ee kubadda Koleyga ayay ku guuleysteen xulka Gobolka Saaxil, ka dib markii ay ka badiyeen dhiggooda xulka Gobolka Gabiley oo ay isugu soo hadheen ciyaarta kama dambaysta ah.

Ciyaartan oo xalay ku dhexmartay laba Xul Gobol ee Saaxil iyo Gabiley Garoonka Tima-cadde ee magaalada Hargeysa waxa kasoo qayb-galay masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aaden, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Dhalinyarada Ciyaaraha Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha.

Sidoo kale waxa goob-joog ka ahaa masuuliyiinta labada gobol ee isugu soo hadhay ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka ciyaaraha gobollada ee kubadda koleyga ee Gabiley iyo Saaxil.

Intii aanay bilaaban ciyaartu waxa hadallo waano iyo hoga-tusaaleyn ah ujeediyay ciyaartoyga labada xul gobol guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Koleyga Maxamuud Xasan Cabdilaahi Qodax.
Ciyaartan oo ahayd mid ay labada ciyaartoyba soo bandhigeen ciyaar hufan, waxaanay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay 23 dhibcood oo ay xulka Gobolka Saaxil ku hogaaminayeen, halka dhiggooda Gobolka Gabiley ay lahaayeen 14 dhibcood.

Qaybtii labaad ee ciyaarta la tashi badan oo ay labada xul gobol ciyaartoygoodu sameeyeen, waxay garoonka la soo galeen dardar badan oo wax ka bedeshay, isla markaana kor u qaaday jawigii iyo xiisii ciyaarta, waxa hogaanka ciyaarta sii dheeraystay xulka Gobolka Saaxil, waxaanay gabogabadii ciyaartaasi kusoo idlaatay 35 dhibcood oo ay guushu ku raacday, isla markaana ay ku hanteen koobka gobollada ee kubadda koleyga xulka gobolka Saaxil, halka gobolka Gabiley ay keensadeen 28 dhibcood.

Ciyaartan kama dambaysta ah ee labada xul gobol ee Saaxil iyo Gabiley waxa garsoorayay Siciid Cabdi Aaden, Axmed Ibraahim (Darmaan) iyo Xamse Cabdi Aaden.

Comments

comments