Ingiriiska Oo Sedexleey Uga Badiyay Scotland Xilli Daniel Sturridge Uu Shabaqa Soo Taabtay Iyo Natiijooyinkii Kulamadii Kale

155

Ingiriiska ayaa guul ay mudnaayeen waxa ay kaga badiyeen Scotland oo ay wad ciyareen kullan ka tirsanaa wareegga 4-aad ee is reeb reebka dalalka yurub ee loogu soo baxayo koobka aduunka ee sanadka 2018-ka lagu qabanayo Russia

Ingiriiska ayaa ciyaarta ku bilaabay qaab xooggan oo dar dar leh waxa ayna dagaal ugu jireen in gool waqti hore keenaan .

Ingiriiska oo ku wacneyd kubadda haysashada ayaa goolkii 1-aad waxa ay heleen daqiiqaddii 24-aad waxaana u saxiixay Daniel Sturridge kaasi oo kulankaas ku soo biloowday .

Xilli Ingiriiska ay nasiinada ugu diri kareen qaranka martida u ah goolal dheeraad ah ayay iska cuneen dhowr fursad xilli Scotland dhankoodana ay soo mareen fursado waa weyn balse sidii la rabay ugama aysan faa`ideysan

Soo laabashadii Scotland qaab xooggan ayay ku soo galeen ciyaarta waxa ayna dagaal ugu jireen in goolka bar bar dhaca keenaan balse taasi badalkeeda gool labaad ayaa lagu helay waxaana ka dhaliyay Adam Lallana daqiiqaddii 51-aad.

Ingiriiska wax ay ku guuleysteen in daafac adag ay xerteen iyadoo  ay heleen gool 3-aad waxaana saxiixayGary Cahill daqiiqaddii 61-aad iyadoo guud ahaan qaranka martida ah ka faa`ideysan isku dayo waliba oo ay sameeyeen

  Dhamaadkii  guud ahaan Ingiriiska kubadda waa ay la wareegeen  iyadoo goolal  kala laga filan balse waxa waxa  ay guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay 3-aad ee gool ee ay Ingiriiska ku badiyeen
Dhanka kale Jarmalaka aya 8 gool waqx aya ku garaaceen San Marino  waxa ayna ciyaarta aheyd mid hal dhinac xili nasiinada lagfu aaday 3 gool oo nadif ah
Qaramada kale , France wax aya 2/1 ku dubteen Sweden waxaana goolasha saxiixay Pogba iyo Dimitri Payet
Natiijooyinka kulamada kale
  France 2 – 1 SwedenCzech Republic 2 – 1 NorwayN.Ireland 4 – 0 Azerbaijan

San Marino 0 – 8 Germany

World Cup – UEFA Qualification:: group E November 11

Armenia 3 – 2 Montenegro

Denmark 4 – 1 Kazakhstan

Romania 0 – 3 Poland

England 3 – 0 Scotland

Malta 0 – 1 Slovenia

Slovakia 4 – 0 Lithuania

Comments

comments