Somaliland: Madaxweynaha Somaliland & Murrashaxiinta Mucaaridka oo ka Hadlay Guusha Donald Trump

155

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo labada murrashax ee jagada Madaxweynaha ee xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADDANI. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay oo bogaadiyay Madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka Donald Trump, oo shalay ku guulaystay doorashaddii ka dhacday dalkaas 8-dii November 2016-ka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku hambalyeeyay Donald Trump guusha uu ka gaadhay tartanka doorashadda Madaxweynaha Maraykanka oo shalay kaga adkaaday loolan adag oo muddo soo socday haweenaydii la tartamaysay ee Hillary Clinton. “Anigoo ku hadlaya magacayga, ka shacbiga iyo ka dawladda Somaliland-ba waxaan hambalyaynayaa madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump., oo aan ku hambalyaynayo guusha balaadhan ee taariikhiga ah ee uu ka gaadhay doorasahd dalkiisa,waxaanan u rejaynayaa in ay noqoto mid dalkiisa iyo dadkiisaba barwaaqo iyo horumar gaadhsiisa oo caddaalad wada jir u horseeda.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay Somaliland iyo Maraykanka waxay ku soo kordhin karto xidhiidhkooda siyaasadeed guusha Donald Trump, waxa uu yidhi. “Waxaan rejaynayaa in ay noqoto guul labada dalba wax weyn u soo kordhisa oo sii xoojisa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeyay labada dal iyo in ay noqoto mid dhabbaha u xaadha in Somaliland caalamka aqoonsi buuxa ka hesho.”

Dhinaca kale murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay sheegay inay sifooyin badan wadaagaan madaxweynaha cusub ee Maraykanka.

“Horta ILAAHAY khayr ha ka dhigo, waanan soo dhawaynayaa waanan hambayaynaynaa ka xisbi ahaan waxa caddaatay in saxaafadu ay xaqiiqada mugdi gelinaysay oo ay ka been sheegaysay waxay dadka Maraykanku doonayaan. waxaanan moodayay in Saxaafadda Somaliland oo kaliyi ay been sheegto ee ta caalamkuna way sheegtaa.waxaan odhan karaa horta ninkani waa nin aan ku jiri jirin siyaasadda.

waa markii ugu horaysay ee dalka Maraykanka uu Madaxweyne ka noqdo nin ganacsade ah,ninkana wuxuu leeyahay waxaan dalka ku samaynayaa is bedel oo dib u habayn nidaamka dalka, waxaanan qabaa wuu u baahan yahay Maraykanku in uu dib u habayn ku sameeyo shuruucdiisa iyo nidaamkiisa oo ah mid gaboobay oo wax ka bedel u baahan. waana ta aan doonayo in aanu Somaliland-na ku samayno.
Aniga iyo isagu (Trump) waxaannu iska shabahnaa runta oo isaguna runta ayuu sheegaa oo wuxuu aaminsan yahay ma qarsado aniguna runtaan ku adagahay laakiin iima aha halyay aan ku daydo ee Cumar binu khidaab ayaa ii ah xidig aan ku daydo,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo shalay uun isna markii saddexaad xisbigiisa daryeelka iyo caddaalladu u cumaamadeen murrashax madaxweyne.

Murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa soo dhaweeyay guusha Donald Trump kuna hambalyeeyay waxaanu sheegay in laga baran karo guusha Donald Trump in xaqiiqadu ay tahay waxay kaliya ee ay dadku doonayaan isla markaana ay meesha ka baxayso cid kasta oo guul is bidda haddii ay dadku ka codeeyaan. “Horta doorashada dalka Maraykanka ka dhacdaa waa doorasho afartii sannadoodba mar dhacda oo muddo sannad ku dhow socota oo dadku bisayl badan kala kulmo markaa waanu soo dhawaynaynaa ka xisbi WADDANI ahaan guusha uu gaadhay Trump. waanan ku faraxsanahay dadka Maraykanku cidda ay ku faraxsan yihiin ee ay doortaan waanan ku hambalyaynaynaa. annagu muwaadiiniin reer Somaliland,ah ayaanu nahay oo daawadayaal ka ahaa laakiin hambalyo ayaanu leenahay.”

“Waxaan odhan karaa waxa kaliya ee laga baran karaa in ay tahay cid kasta oo is macaashsiisa oo guul is bida ama WADDANI ha noqoto amma KULMIYE ha noqotee in go’aanka shacbigu leeyahay laguna qanco waxa uu shacbigu doorto oo la ixtiraamo,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo u waramayay laanta afsoomaaliga ee VOA-da.

Guusha uu ka gaadhay Donald Trump doorashada dalka Maraykanka ayaa ahayd mid madaxda dunidu ku noqotay lama filaan, laakiin waxay hoggaamiyeyaasha dalalka dunidu ka sinnaayeen hambalyada ay u dirayaan madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka waxaanu xaalka madaxda dunida la odhan karaa wuxuu ahaa “Naxdin, rejo iyo hambalyayn”.

Comments

comments