Deg-deg: Xisbiga Jamhuuriga Oo Gacanta Ku Dhigay Siyaasadda Maraykanka. Wax Ka Ogow Doorashada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose Halka Lakala Marayo.

281

Doorashada Maraykanka ayaa gabo-gabo ku dhaw, waxaana uu Donal Trump ku sii dhawaanaya inuu noqdo Madaxwaynaha Maraykanka, isagoo iminka u baahan kaliya 6 cod si uu Madaxwayne Obama kursiga uga bedelo.
Geesta kale Aqalka sare ee Senate-ka ayaa ay doorashdiisu socotaa waxaana la filayaa inuu xisbiga Jamhuurigu aqlabiyadda ku yeesho, aqalka sare oo ka kooban 100 kursi ayaa illaa la doortay 49 kursi oo xisbiga Jamhuuriga ah iyo 48 xisbiga Dimurqaadiga ah waxaana hadhay laba kursi oo kaliya oo la saadaalinayo inuu Jamahuurigu ku guulaysan doono.

Sidoo kale aqalka hoose ee maraykanka oo ka kooban 435 kursi ayuu xisbiga Jamhuuriga ah ee Donal Trump hogaaminayaa ku guulaystay 230 Kursi, halka xisbiga Dimuqraadiga ahina uu ku guulaystay 170, arrintan ayaana la macno in guud ahaanba siyaasadda dalka uu gacanta ku dhigi doono xisbiga Jamhuuriga ahi haddii aanay wax isbedelin daqiiqadaha soo socda

Comments

comments