Somaliland: Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Khasaaraha Rabshadihii Ka Dhacay Garoonka Kubadda Cagta Ee Hargeysa.

298

Rabshado ka dhashay ciyaartii shalay dhexmartau gobolada Daad-madheedh iyo Hawd ayaa sababtay dhaawaca 21 qof oo shacab ah iyo 7 askari oo ka tirsan ciidanka booliska.

Sida uu xaqiijiyey wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) dadka dhaawacmay ee shicibka u badan ayaa ku wax yeeloobay dhagaxaantii iyo shiidkii taageerayaasha, sidoo kalena sunta dadka kaga ilmaysiisa oo ay Boolisku isticmaalayeen iyo cidhiidhigii faraha badnaa ayaa sababay dhaawaca dadka rayidka ah.
Rabshadaha ciyaartan ayaa bilaabmay kadib markii gobolka Daad-madheedh uu 2-1 kaga badiyey gobolka Hawd, waxaana xusid mudan inuu khasaaruhu intaas ka badan yahay sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiir ka tirsan cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Comments

comments