“Waxey Aheyd Inuu Lionel Messi Ku Guuleysato Sanad Walba Ballon d’Or Tan Iyo 2009” Sidaa Waxaa Yiri Gerard Pique

177

Daafaca reer Spain Gerard Pique ayaa ku amaanay Lionel Messi bandhigiisii ciyaartii ay xalay guusha ka gaareen Sevilla kulan ka tirsan La Liga, isagoo aaminsan in xiddiga reer Argentina uu mudnaa in sanad walba lagu abaalmariyo Ballon d’Or tan iyo 2009.

Leo ayaa guul u hogaamiyay Barcelona markii uu barbareeyay gool uu ciyaarta ku daahfuray Vitolo isagoo sidoo kale caawin ka geystay goolkii guusha ee uu saxiixay Luis Suarez.

Bandhigii Leo Messi ee ciyaartii xalay waxey soo jiidatay Gerard Pique oo twitter-ka ku amaanay 29-jirka reer Argentina kaas oo ku jira waqti fiican bilowga xagaagan.

“Hadii Ballon d’Or la siiyo xiddiga ugu fiican dunida, Leo ayaa ku guuleysan lahaa sanad walba tan iyo 2009, waa ciyaariyahan heer kale ah”

Goolkii Lionel Messi ee Sevilla uu ka dhaliyay ayaa ahaa kii 500-aad oo uu Lionel Messi u dhaliyo Barcelona oo dhan, balse marka laga reebo kulamada saaxiibtinimo waxey kusoo koobmayaan 469.

Comments

comments