Somaliland: Murashax Muuse Biixi Oo Dhawaaq Sarbeebaysan Ugu Babac Dhigay Shaqsiyaad Olole Siyaasaded Ka Dhigtay Cayda Askariga.

375

Gudoomiyaha xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa qudbad uu u jeediyey xulalka kubada cagta ee ka socda gobolada Somaliland waxa uu ku koobay dariiqyada ay iska soo galaan Askariga iyo Ciyaartoygu. Murashax Muuse Biixi ayaa si wayn ugu faanay Karaamada Ciidanka Qaranka iyo sidoo kale Ciyaartoyga oo uu mataano siman ka dhigay waxaana uu yidhi.

“Ciyaartoyga kubada ciyaaraya 20 jir iyo ka ka yarow waxaan idiin sheegayaa in aad la mid tihiin oo aad la awood tihin oo aad meelo badan ka siman tihiin saraakiisha halkaa ka soo jeeda jana-nada iyo ciyaartoyga waxa ay wadaagaan waxyaalo badan horta waa labada sida marwalba astaanta qaranka Askarigu halkaa waxa uu ku sitaa calaamada Qaranka ciyaartoyguna meesha uu tago ama guusha uu gaadhaba waxa uu hawada Calanka qaranka waxa ay wadaagaan waa labada qolo ee aroor kasta kalaha ee sameeya orod, Jimicsi iyo adkaysi iyaga oo labaduba u samaynaya in ay soo hoyaan guul qaran, Ciidamada iyo ciyaartoygu waxa ay wadaagaan hogaaminta, hogaamintu waa maxay waa in qofka kaa ra’yi duwan ama waxa aad doonayso in uu sameeyo aan aqoonin aad ogolaysiisaa in uu sameeyo waxaa aad doonayso isaga oo raali ah. Tababaruhu ardayga ma uleeyo hadana is yeel yeel ayuu ugu dhuftaa deetana isaga oo ku qanacsan marka uu wax u sheego ayuu qaataa hadii uu xanaqo ciyaartoygu tababaraha ayaa u yeedha dhagta ayuu wax u saaraa deedna wuu aqbalaa oo tow ayuu dhahaa Askarigana ninka madaxdiisa ahi isaga oon ciqaabin ayuu yidhaahdaa kac oo dabkaa soo dhacaya qaranka halaga ilaaliyee gal dabadeedna isaga oo ogol ayu dabkaa galaa oo uu ku dhintaa”

Sidoo kale Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sharaxaad kale oo farshaxamaysan waxa uu ku lamaanaysiiyey CIyaartoyga iyo Askariga waxaana uu yidhi. ” waxa ay wadaagaan Adkaysiga macnawiga ah iyo adkaysiga jidhka ka jidhka ahi waxa weeye ninka askariga ahi wuxuu u taagan yahay in uu qaato inta ugu badan ee dhib ibnu aadamku qaatointaa in leeg ayuu ciyaartoyguna qaataa, ciyaartoygu isaga oo doonaya in qarankiisa uu magac u soo hooyo ayuu ku jabaa haduu doono ku laxaad beelaa oo madaxu ku dilaacaa oo uu raali ku yahay si uu calanka qaranka garoonka uga qaado askariguna sidaa si la mid ah ayuu rabaa in uu qarankiisa ku difaaco” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.

Comments

comments