Kadib Kulamadii 11-aad – Yaa Hogaaminaya Gooldhalinta, Caawinta, Baaska Iyo Badbaadinta Horyaalka Premier League-ga

138

Todobaadkii 11-aad ee horyaalka Ingiriiska ayaa soo dhamaaday iyadoo dhamaan 20-ka kooxood ay ciyaareen kulamadooda labadii maalin ee lasoo dhaafay, Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee si nadiif ah hogaanka horyaalka ugu raaxeysanaya kadib markii ay guul xasuuq aheyd ka gaareen Watford.

Kadib kulamadii la ciyaaray sabti iyo axad waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa ciyaartoyda hogaamineysa dhan walba – goolasha, caawinta, baasaska iyo badbaadinta inagoo sidoo kale fiirin doona sida ay kooxaha inta aan soo sheegnay isu dheer yahiin.

Yaa Hogaaminaya Gooldhalinta?

Gooldhalinta horyaalka EPL-ka waxaa horkacaya weeraryahanka reer Spain Diego Costa kaas oo 9-gool dhaliyay xagaagan, waxaana kusoo xiga Sergio Aguero 00 8-gool dhaliyay Eden Hazard iyo Lukaku ayaa min 7-gool dhaliyay halka Jermain Defoe, Ibrahimovic, Mane Iyo sanchez ay dhaliyeen min 6-gool.

Yaa Hogaaminaya Caawinta?

Caawinta horyaalka Ingiriiska waxaa hogaaminaya xagaagan bilowga ah Kevin De Bruyne oo caawiyay 6-gool, waxaana kusoo xiga Coutinho, Lallana, Matic iyo Pedro oo caawiyay min 5-gool, halka xidigaha Zaha, Rooney, Payet iyo Bolaise ay caawiyeen min 4-gool.

Yaa Hogaaminaya Baaska?

Dhanka baaska waxaa horkacaya hogaamiyaha kooxda Liverpool Jordan Henderson kaas oo sameeyay 904-baas, waxaana kusoo xiga Fernandinho (834), Danny Drinkwater (762), N’Golo Kante (729) halka Paul Pogba uu sameeyay 727-baas.

Yaa Hogaaminaya Badbaadinta?

Goolhayaha kooxda Burnley Tom Heaton ayaa noqday xiddiga ugu badbaadinta badan horyaalka Ingiriiska xagaagan bilowga ah madama uu badbaadiyay 60-kubadood, Jordon Pickfrod – goolhayaha da’da yar ee Sunderland ayaa kusoo xiga oo 42-kubadood badbaadiyay, halka Adrian iyo Ben Foster ay badbaadiyeen min 37 kubadood.

Dhanka kale marka aan ka eegno dhanka kooxaha, Liverpool ayaa ah kooxda dhalisay goolasha ugu badan EPL-ka xagaagan 30-gool ayeyna dhalisay, waxaana kusoo xiga Chelsea 26-gool, Man City 25-gool, dhanka kale Liverpool waxey sidoo kale noqotay kooxda ugu baaska badan EPl-ka kadib markii ay ciyaartoyda kooxdaan sameeyeen 6,597 baas, waxaana kusoo xiga ciyaartoyda Manchester City oo sameeyay 6,545, Xidigaha Arsenal ayaa booska sadexaad fadhiya kuwaas oo sameeyay baas dhan 6,431.

Dhanka kalana Chelsea ayaa ah kooxda ugu badan ee difaacatay shabaqeeda, 6-kulan ayaana shabaqeeda lasoo taaban xagaagan, Spurs (5-jeer) halka Arsenal iyo Man United aan min 4-jeer shabaqooda la taaban.

Ugu dambeyntiina Crystal Palace ayaa noqotay kooxda ugu badan ee xagaagan sameysay kubadaha (Crosses-ka) ama laadadka ah waxeyna tuureen 284, halka Southampton ay noqotay booska labaad iyagoo sameeyay 284, Red Devils ayaana booska sadexaad joogta madama ay ciyaartoyda Jose sameeyeen 271 Cross.

Comments

comments