Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa galabta dalka ugu soo laabtey

Madaxweyne Siilanyo oo saxaafada kula hadley xarunta madaxtooyada waxaa uu ka war bixiyey kulamadii uu la soo yeeshay ra,iisul wasaaraha dalka itoobiya waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen arimaha danaha labada dal sida ganacsiga, isticmaalka dekada Berbera , adkeynta nabad galiyada iyo in ay dawlada itoobiya ka qeyb qaato dhismaha jidka isku xidha Wajaale Iyo Berbera .

Sidoo kale Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa uu sheegay in uu kulan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia kula soo yeeshay madaxda Maamulka Khaatumo oo uu hogaaminayo Cali Khaliif Galeydh  isla markaana ay ku soo heshiiyeen in 17.11.2016 uu wada hadal toos ahi uga furmo magaalada Adiss Ababa .

Comments

comments