Somaliland: “Maanta Laga Bilaabo Aniga Ayaa Madaxweyne Siilanyo Iyo Muuse Biixi Afhayeen U Ah “..Wasiir Cukuse .

2196

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in maanta laga bilaabo uu isagu yahay afhayeenka madaxweynaha Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye

Muddane Cukuse ayaa hadalkaasi yidhi isaga oo ka jawaabaya su,aal nuxurkeedu ahaa maxaa uu madaxweyne Siilanyo iyo gudoomiye Muuse Biixi oo maanta dalka ku soo laabtey ay warbaahinta ula hadli waayeen ayaa waxa uu sheegay wasiirku in uu isagu matalo isla markaana uu ku hadlaayo afkoodii wax hadalkooda looga baahan yahana aanay jirin .

Dhinca kale wasiir cukuse ayaa waxaa uu ku faanay in uu yahay afhayeen in muddo ah xukuumada afkeeda ku hadlaayey aqoon badana u leh mihnidaasi.

Comments

comments