Waa Kuwee TOBANKA Ciyaartoy Ee Xili Ciyaareedkan Shaqada Ugu Adag Ka Qabtay Kulamadii Ilaa Hadda La Soo Ciyaaray Premier Leaque-ga

156

Xili ciyaareedkii hore waxaa la sheegay in dhulka boqolkiiba 70% ay biyo qariyeen iyada  inta soo hadhay oo boqolkiiba 30% ahna la sheegay in N’Golo Kante uu orod ku qariyay kaas oo shaqo cajiib ah ka qabtay kooxdiisii hore ee Leicester city isla markaana sabab u ahaa in ay si lama filaan ah ugu guulaystay koobka Premier Leaque-ga basle xili ciyaareedkan xidiga ree France ayaan ahayn Kante-tihii King Power Stadium soo duubi jiray.

Waxaa la soo saaray liiska tobanka ciyaartoy ee xili ciyaareedkan todobadii kulan ee premier Leaque-ga laga soo ciyaaray ugu shaqada badnaa ee orday masaafada ama fogaanta ugu badan.  N’Golo Kante ayaa wali ka mid ah ciyaartoyda ugu shaqada badan Premier Leaque-ga basle waxaa jira saddex xidig oo ka horeya.

Xidiga kooxda Burnley ee George Boyd ayaa ilaa hadda ciyaartoyga ugu shaqada badan kooxaha Premier Leaque-ga wuxuuna orday fogaan ah 86.52 kilomitir waana ciyaartoyga ilaa hadda shaqada ugu adag ka soo qabtay kulamadii horyaalka Ingiriiska laga soo ciyaaray.

Waxaa kaalinta labaad ku jira kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson kaas oo xili ciyaareedkan ku bilawday qaab ciyaareed fiican iyo shaqo aad u adag. Henderson ayaa ilaa hadda orday fogaan dhan 82.39 kilomir waana xidiga labaad ee ugu shaqada badan Premier Leaque-ga.

Waxaa kaalinta saddexaad ku jira xidiga kooxda Bournemouth ee Andrew Surman kaas oo orday masaafo ama fogaan dhan 80.86 km, waana xidiga saddexaad ee ugu shaqada badan Premier Leaque-ga kulamadii ilaa hadda la soo ciyaaray.

Waxaa kaalinta afraad ku jira xidiga kooxda Chelsea ee N’Golo Kante kaas oo ilaa hadda orday fogaan dhan 80.56 km, waana ciyaartoy afraad ee ilaa hadda ugu shaqada badan kulamadii Premier Leaque-ga laga soo ciyaaray. Wuxuuna waxyar ka shaqo badan yahay xidiga ay khadka dhexe ee Blues ka wada ciyaaraan ee Nemanja Matic kaas oo gooyay fogaan dhan 79.89 km.

Ma jiro hal ciyaartoy oo ka tirsan kooxaha Arsenal iyo Manchester United oo ku soo baxay liiska ciyaartoyda ugu shaqada badan Premier Leaque-ga halka Liverpool iyo Chelsea ay min laba ciyaartoy ku leeyihiin iyada oo Manchester City uu ugu jiro hal ciyaartoy.
LIISKA TOBANKA CIYAARTOY EE SHAQADA UGU BADAN KA SOO QABTAY KULAMADII PREMIER LEAQUE-GA IYO FOGAANTII AY KU ORDEEN:

10. Fernandinho (Man City) – 77.82 km

9. Sam Clucas (Hull City) – 78.51 km

8. Georginio Wijnaldum (Liverpool) – 79.00 km

7. Craig Dawson (West Brom) – 79.14 km

6. Jack Cork (Swansea) – 79.84 km

5. Nemanja Matic (Chelsea) – 79.89 km

4. N’Golo Kante (Chelsea) – 80.56 km

3. Andrew Surman (Bournemouth) – 80.86 km

2. Jordan Henderson (Liverpool) – 82.39 km

1. George Boyd (Burnley) – 86.52 km

Comments

comments