Somaliland: Oo Sheegtay In Aanay Diiddayn Shirka DAN Iyo DUCO, Haddii Beesha Saaxil Isku Raacdo Qabsoomiddiisa

0
273

“Intaan Xogo-gaal ka ahay Shirka Baxarasaafka Xukuummadu ma Diidana..”Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa caddeeyay inaanay xukuummada Somaliland diidanayn shirka DAN iyo DUCO 2 ee ay dhawaan Qabashadiisa Iclaamisay Beesha Gobolka Saaxil.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Shir kasta oo ay qabsanayaan beelaha Somaliland oo lagaga hadlayo Nabadda iyo horumarka Bulshada balse aan lagu duminayn Qaranimada Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyadu waxaa uu carabka ku dhuftay in Salaadiinta Beesha Ciise Muuse ku kala aragti duwan yihiin inuu shirkaasi dhaco isla-markaana ay Xukuummaddu ka shaqeynayo sidii ay iskugu keeni lahayd Odayaashaasi shirkana uga qayb-geli lahayd.

“Beesha Ciise Muuse hadday shireyso oo ay go’aan qaadato waanu soo dhaweynaynaa oo waanu ka qaybgalaynaa, intaan xogogaal ka ahayn annagu Xukuummad ahaan Shirkaasi ma diidanin”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi waxaanu intaasi ku daray, “Xukuummaddu waxay diiddaa shirarka Qaranka lagu duminayo, ma qabno (Shirka Ciise Muuse) in Qaranka lagu duminayo”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayaan shirarka beelaha Somaliland qabsanayaan, “Xukuummaddu Waxay dhiiri galisaa dhammaan inay umuaddu isku timaaddo, sida deegaan, Beel horumarkeeda iyo amniga ka shaqeyso oo ay wax u kordhaan, Xukuumaddu Beel Aqoonyahankeedii iyo Qoor-waynteedii wadata shirka kama joojin karto”

Xukuummada Somaliland ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay kasoo horjeedo shirka ay ku baaqeen Beesha degta Gobolka Saaxil, kaasi oo buuq ka dhex dhaliyay dadka deegaankaasi iyo Xukuummada uu hoggaamiyo Madaxwayne Axmed-Siilaanyo.

Comments

comments