Man United Oo Ku Howlan Sidii Ay U Heli Laheyd Koox Ka Qaadata Bastian Schweinsteiger Laakiin Mushaharkiisa Ayaa Caqabad Ah.

319

Manchester United ayaa soo dhaweyneysa dalabyada u imaanaya xiddiga khadka dhexe ee ay dooneyso inay iska dirto xagaagan ee Bastian Schweinsteiger.

Tababare Jose Mourinho ayaa ka tagay 31 jirkaan Jarmalka iyadoo kooxdiisa ay xalayto 5-2 kaga badisay kooxda Galatasaray kulan saaxiibtinimo oo ay ku ciyaareen dalka Sweden.

Ka dib dhaawacii soo gaaray iyo inuu ka hoos maray wixii laga filayay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Old Trafford, United ayaa u furan inay soo dhaweyso dalabyada u imaanaya xiddiga Jarmalka sida ay qortay Manchester Evening News.

Iyadoo tartan uu u dhaxeeyo Michael Carrick, Morgan Schneiderlin, Ander Herrera, Marouane Fellaini iyo Paul Pogba oo la filayo inuu imaanayo, Mourinho ayaa go’aansaday in Schweinsteiger inuusan qeyb ka aheyn qorshihiisa xilli ciyaareedka danbe.

Waxaa lagu wargeliyay inuu raadsado koox cusub inkastoo United ay haatan wajaheyso shaqo culus oo ah inay hesho koox iibsan karta mid ka mid ah xiddigaheeda ugu mushaharka badan.

Waxaa xiiseynaya kooxda Inter Milan iyo AC Milan, laakiin Schweinsteiger oo ku dhawaaqay inuu ciyaaraha caalamiga ka fariistay isbuucaan ayay tahay inuu aqbalo mushahar dhimis haddii uu u wareegayo San Siro.

Comments

comments