Somaliland: Guddida Wanaag Farista Oo Waalidiinta Uga Digay Dugsiyada Nile Academy Iyo Abaarso School.

797

Guddomiyaha Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa shalay salaadii jimce ka dib muxaadaro kooban oo uu ka jeediyay Masaajidka Daarul-Iimaan ee ku yaalla xaafadda Jigjiga yar ee Caasimadda Hargeysa waxa uu kaga hadlay arrimo iskugu jira waano iyo wacdi muhiim ah.

Ugu horayn Sheekha ayaa ka hadlay dhalinyaro diinta ka baxay oo dhawaan lagu qabqabtay Hargeysa oo midkood ciidanka ammaanku dhaawaceen markii hawl-galka lagu soo qabanayay wuxuuna yidhi:

“Dhalinyaradan diinta ka baxday xafiiska ayay maalin maalmaha ka mid ah iigu yimaaddeen iyagoo afar ah waan waraystay iyana warkoodii ayaan dhagaystay oo been ayay ii sheegeen, waxaan ku idhi bal iigu yeedha waalidiintii idin dhashay oo idinku iska taga, waalidiintiina iimay iman, wiilaashan waa la duufsaday oo dad ayaa jira dalka jooga oo caruurteena gaalaysiinaysa oo waxaa la ii sheegay in kuwan hadda xidhan ay shan bilood ay haysteen diinta kiristanka ah oo sida warka igu soo gaadhay kaadi loogu fool-dhaqay oo kitaabkana ku kaadsha lagu yidhi oo sidaa maal lagu siiyay oo sidaa ay ku gaaloobeen, sheekhu wuxuu u mahad naqayaa dawladeena illahay khayr ha siiyee oo talaabo ka qaaday oo qabqabatay dhalinyaradii la duufsaday oo midkood hadda dhakhtarka lagu dabiibayo dhaawaciisa isagoo maxbuus ah”

Dhanka kale, sheekha ayaa ka hadlay laba iskuul oo ku yaalla magaalada Hargeysa oo uu ka dayriyay xaaladooda waxbarasho, iskuulada uu sheekhu ka dhawaajiyay ayaa laga leeyahay dalka dibadiisa. Wuxuuna sheegay in ay labada iskuul kala yihiin iskuulka NILE ACADEMY iyo ABAARSO TECH isagoo sheegay in iskuulka Nile Academy ay dhigaan macallimiin calaawiyiin ah oo diinta halis ku ah halka Abaarso School oo isna laga leeyahay Maraykanka uu isna horseed u yahay dhaqan xumada wuxuuna waalidiinta Somaliland uu uga digay in ay ubadkooda geeyaan iskuullada waxaana ka mid ah hadaladiisa: “Waxaan waalidiinta uga digayaa in ubadakooda ay waxbarasho ugu daraan labada iskuul ee kala ah Abaarso Tech iyo Nile Turkey oo ah laba iskuul oo dhaqan xumo lagu baro caruurto, kan turkiga ah waxaa dhigta macalimiin calaawiyiin ah – ha moodina in aan uga faa’idaysanayo inqilaabka ka socda turkiga awgeed”.

Ugu danbeyntii,  sheekhu wuxuu waalidiinta uu kula dardaarmay in waalidiintu ay caruurtooda ay la saaxiibaan oo ay ka war hayaan waliba ay ka dhawraan aalada internetka gaar ahaan kuwa social media ah oo uu sheegay in caruur badan laga gaalaysiiyo.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii la weriyey kooxo dhallinyaro ah oo la sheegay in ay diinta ka baxeen iyada oo xadhig muddo ah kadib wararku sheegayaan in dhawaan la sii daayay haddana kooxdaasi oo aan xogtooda si cad loo hayn.

Comments

comments