SAWIRO: Barcelona Oo Maanta Saxaafada U Soo Bandhigtay Saxiixa Cusub Ee Andre Gomes Iyo Barca Oo Ay Maanta U Ahayd Maalin Wayn

323

Barcelona ayay maanta u ahayd maalin wayn waxayna saxaafada u soo badhigtay mid ka mid ah xidigihii kooxaha waa wayn ee Yurub sida wayn looga doonayay ee Andre Gomes, waxa kale oo farxada kooxda Barcelona dhamaystiray in Javier Mascherano uu saxiixay heshiis cusub oo uu Camp Nou ku sii joogayo ilaa sanadka 2019ka.

Madax waynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa kooxdiisa ku soo dhaweeyay xidigii hore ee kooxda Valencia iyo xulka qaranka Portugal ee Andre Gomes kaas oo saxaafada iyo jamaahiirta kooxdiisa cusub maanta loo soo badhigay.

Andre Gomes oo uu wehelinayay aabihii oo taageero wayn u ah Barcelona ayaa sheegay in uu rajaynayo sidii uu kooxda Barcelona koobab ugula guulaysan lahaa isla markaana uu ugu raaxaysan lahaa wuxuuna yidhi:“Waxaan rajaynaya in aan ku raaxaysto oo aan koobab ku guulaysto. Barcelona waxay la xidhiidhaa qaabka aan u ciyaaro kubbada cagta iyo astaantayda. Anigu waxaan doortay kooxda ugu fiican ee niga igu haboon, aniga sharaf iyo shuxmad ayay ii tahay in aan maaliyadan xidho”.

Andre Gomes oo ah ciyaartoy da’yar ah ayaa sheegay in uu doonayo sidii uu wax u baran lahaa isla markaana uu koritaan u samayn lahaa wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan ahay 22 sano jir waxaanan doonayaa in aan koro, waxaan halkan  u imid in aan wax barto, waxaan haystaa waxyaabo badan oo aan tixraaxi karo”.

Barcelona ayaa Andre Gomes ka soo bixisay 55 milyan oo euros oo udhiganta 46 milyan oo gini waxayna Barcelona saxiixa 22 jirkan ka dulqaaday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid. Luis Enrique ayaa xili ciyaareedka cusub khadka dhexe ee kooxdiisa ku haysan doona Ivan Rakitic , Sergio Busquets ,Andres Iniesta, Arda Turan iyo xidigo kale oo da’yar ah.

Andre Gomes ayaa sheegay in uu fulinayo riyadiisa iyo riyada qoyskiisa iyada oo aabihii uu yahay nin si wayn u taageera kooxda Barcelona wuxuuna yidhi: ” Anigu waxaan halkan u joogaa in aan fuliyo riyadayda iyo riyada qoyskayga kuwaas oo aanan la’aantood halkan joogeen”.

36A27FBA00000578-0-image-a-6_1469622070443 1469619139_092816_1469619288_album_grande 1469619139_092816_1469619331_album_grande CoXx6DwXgAA4TIl

Comments

comments