“Real Madrid Wali Waxey Ka Shaqeyneysa Sidii Ay Kula Soo Wareegi Laheyd Paul Pogba” Zidane Oo Walaac Ku Abuuray Man United

205

Daqiiqad kasta wax walba ka filo in laga soo wariyo arinta Paul Pogba ee jahawareerisay dadyawga kubadda cagta, waxaana haatan lasoo warinayaa in Real Madrid ay wali ka shaqeyneyso sidii ay xidigaan heerka caalami ula soo saxiixan laheyd taasoo walaac ku abuureysa Manchester United.

23-jirka reer France wuxuu u muuqda mid kusii dhawaanaya ku biiritaanka Manchester United, balse tababaraha kooxda Real Madrid Zidane meesha kama saarin in kooxdiisa ay heshiiska Paul isaga baxday isagoo carabka ku adkeeyay iney wali leeyahiin rajo ay kula soo saxiixan karaan xidigaan tayada wanaagsan.

Jamaahiirta Manchester United ayaa noqday kuwa hadba jiho loo jiido, sidoo kalana waxey baraha bulshada iyo halka laga helo ilaha wararka kubadda cagta ka baadi goobaan arinta xidigaan ay sanadkii 2012-dii kooxdooda iska fasaxday.

“Waqti xaadirkaan waxaan ka shaqeyneynaa inaan u dhaqaaqno Pogba, wax kasii badan kuma dhihi karo” Ayuu ku waramay Zidane sida ay ka dhawajisay Goal.com

“Tan iyo 31-ka August wax walba ayaa dhici kara, balse maanta  ma ahan ciyaariyahan Real Madrid ah, wax badanna kama hadli karo waxa dhici doona”

“Waxaan mar walba sheegaa sida ay wax yahiin, balse hadda maahan waqti aan arintaas ka hadalno, kooxo badan ayaa xiiseynaya Pogba”

“Real Madrid mar walba waxey dooneysaa ciyaartoyda ugu wanaagsan. balse waxaan ixtiraameynaa Juventus, waxna kama dhihi karno marka laga reebo inuu ixtiraam jiro”

Comments

comments