RASMI: Xidigii Kooxda Everton Sida Xoogan Loola Xidhiidhinayay Ee Marko Arnautovic Oo Heshiis Cusub Oo Afar Sano Ah U Saxiixay Kooxdiisa Stoke City

264

Kooxda Everton ayaa maalmihii ugu danbeeyay si ayn loola xidhiidhiyay xidiga kooxda Stoke City iyo xulka qaranka Austria ee  Marko Arnautovic, waxaana la filayay in Arnautovic uu ku soo biirayo kooxda Everton balse taas badalkeeda kooxda Stoke City ayaa hadda ku dhawaaqday in  Marko Arnautovic uu saxiixay heshiis cusub oo afar sano ah.

Dhinaca kale gudoomiyaha Stoke City ee Peter Coates ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay doonayso sidii ay West Brom ugala soo wareegi lahayd  Saido Berahino. Laakiin Stoke City ayaa tartan kala kulmaysa kooxda Crystal Palace oo iyaduna doonaysa Berahino. Stoke City iyo Crystal Palace ayaa dalabyo min 20 milyan oo gini ah ka gudbiyay xidiga ree England ee Saido Berahino.

Kooxda Stoke City ayaa warka ay ku shaacisay in Arnautovic uu heshiis cusub saxiixay ayaa lagu daabacay barta twitterka waxaana qoraal kaas lagu yidhi: ” Deg deg:  Marko Arnautovic waxa uu kooxda kubbada cagta Stoke City u saxiixay heshiis afar sano ah”

 

Comments

comments