Amerika: Nin Ay Walaalo Yihiin Madaxweyne Obama Oo Sheegay Inuu U Codaynayo Murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

374

Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Barrack, ayaa ku dhawaaqay inuu doorashada soo socota ee dalkaas uu codkiisa siinayo murrashaxa cunsuriga ah ee xisbiga Jamhuuriga Mr. Donald Trump oo walaalkii si weyn uga soo horjeedo inuu kala wareego xukunka Ameerika.

Madaxweyne Obama walaalkii oo magaciisu yahay Malik Obama, ayaa waraysi uu siiyey wargeyska New York Post ooMaankaab soo xigtay, waxa uu ku sheegay inuu murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka u codayn doono doorashada madaxtinimada ee dalkaas oo u muuddaysan dabayaaqada sannadkan 2016, waxaannu ku sababeeyey in Donald Trump yahay siyaasi u hadla si niyad ah.

“Markale kor u qaad Maraykanka waa hal-ku-dheg weyn, waxaanan jeclaan lahaa inaan la kulmo Mr. Trump,” ayuu yidhi Malik Obama.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Malik Obama, ayaa u muuqda mid liddi ku ah walaalkiisa Madaxweynaha ka ah Maraykanka oo si cad u sheegay inuu doorashada ka dhacay dalka Maraykanka bisha November ee sannadkan 2016 uu la rabo Hillary Clinton oo u sharraxan Xisbiga Dimoqraadiga ee hadda haya talada dalkaas.

Ninka ay walaalaha yihiin Obama oo da’diisu tahay 58 jir oo haatan ku nool dalka Kenya, balse ka diiwaangashan magaalada Maryland ee Maraykanka, ayaa sheegay in aannu qorshaynayn inuu raaco dariiqa walaalkii Obama, isagoo ku dhaleeceeyey Hillary Clinton fadeexad ka soo wajahaday Email-keeda khaaska ah oo ay u isticmaashay hawlo qaranku leeyahay.

Waxa kaloo uu ku eedeeyey dilka hoggaamiyihii Liibiya Colonel Muammar Gaddafi sannadkii 2011-kii oo uu ku sheegay inuu ahaa saaxiibkiisa ugu dhow. Waxa kaloo uu Xisbiga Dimoqraadiga kaga soo horjeedaa in ay taageeraan guurka dhexmara dadka isku jinsiga ah, sidaa darteedna uu go’aansaday inuu u codeeyo Xisbiga Jamhuuriga marka la gaadho doorashada madaxtinimo ee dalka Maraykanka.

Comments

comments