War Deg Deg Ah: Ciidamada Booliska Gobolka Togdheer Oo Goordhawayd Xabsiga U Taxaabay Suldaan Cali Saleebaan,Ugaas Axmed Xasan,Iyo Ugaas Cismaan Aw Ismaciil Xaaji Xirsi Iyo Sababta Lala Xidhiidhinayo Xadhigooda

834

wararka hada naga sooo gaadhay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa sheegaya in ciiidamada booliska gobolka togdheer ay xabsiga u taxaabeen Suldaan Cali Salebaan iyo Ugaaska Beesha Degta Gobolka Saaxil Axmed xasan (dhogori) ugaas Cismaan Aw Ismaciil Xaaji Xirsi.

Ilaa hadda Ma Cadda Sababta Rasmiga Ee ka Dambeysay Xadhiga Waxgaradkan, balse Ilo xogogaal ah oo nasoo gaadheya ayaa tibaaxey in Suldaan Cali Salebaan iyo ugaasku ay Kamid ahayeen Guddida qabanqaabada SHIRKA BAXARO-SAAFKA ee ay dhawaan qabsanayaan Beesha Gobolka Saaxil.

waxaaney maalmihii u dambeeyey waxgaradkani ay ku Sugnayeen Magaalada BURCO Ee Gobolka Togdheer,Oo ay kawadeen hawlaha qabanqaabada Shirkaasi.

Waxaanu isku daynay in aanu wax ka waydiino taliyaha qaybta Bilayska Gobolka togdheer, Hase ahaate Noomay suurto galin.

Comments

comments