Somaliland: “Waa Ummad Dhaqan u Leh Oo Uu Dhiigooda Ku Jiro Ganacsigu” Wasiirka Ganacsiga

165

Wasiirka  wasaarada  Ganacsiga  iyo Maalgashiga Somaliland Mr.Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr),  ayaa shalay ka furay huteelka Maansoor ee  magaaladda Hargeysa shir lagu daah-furayay mashruuc  ku wajahan “Kor u qaadista iyo kobcinta ganacsatadda Somaliland” oo uu maal-geliyay Baanka adduunka isla markaana ay fulin doonto Hay’adda DIA.

Shirkan oo lagaga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidii maalgalin loogu samayn lahaa beeraha xoolaha iyo kalluumaysiga, iyadoo ganacsataddu  ay soo dalbanayaan nooca mashaariicda yar-yar ee ay doonayaan inay kaga qeyb galaan mashruucan. waxaana ka qeyb galay Boqolaal qof oo iskugu jira Ganacsatadda dalka, kuwaasi oo ka kala yimid gobollada Somaliland oo dhan.

Sidoo kale waxa madashii mashruucan lagu soo bandhigayay goob joog ka ahaa Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta, Duulista iyo Wasiir Ku-xigeenka Beeraha.

Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in mashruucani uu waxtar u leeyahay kor u qaadista dhaqaalaha dalka, waxaanu yidhi “Mashruucan kobcinta dhaqaalaha ganacsatadda Somaliland, waxa ka horeeyay  mashruuc  kale  oo la odhan jiray  Somaliland Bussiness fund, mashruucaasi waayo-aragnimo iyo khibrad ayaa lagala kulmay,laakiinse  mashruucani wuu ka duwan yahay  mashruucani  hay’adda la yidhaahdo DAI ayaa world Bank uga masuula fulintiisa, Xukuumadda  Somaliland-na  waxa u qaabilsan   wasaaradda ganacsiga iyo wasaarada qorshaynta  oo eegaya in sidii loogu tallo galay loo istismaalay mashruucan.laakiin bixinta kharashka mashruuca  waxa iska leh Hay’adda   DAI.”

“Guud ahaan ganacsiga   waa laf-dhabarta  dhaqaalaha dalka, marka laga tago xoolaha. Waxaan  qabaa in ganacsigu yahay  ka koowaad ee dhaqaalaheennu ku xidhan yahay  dadkeenna Somaliland waa ummad dhaqan u leh oo uu dhiigooda ku jiro Ganacsigu. Bulshadda Somaliland qarniyo ka hor ayay tijaaraddu ahayd mid dhaqan u ah reer Somaliland,”ayuu ku dooday Wasiirku, waxaanu sheegay in mashruucani uu wax ka tari doono heerka shaqo la’aanta dalka oo ay dhalinyarro badani fursado shaqo ka heli doonto.

Wasiirka Duulista hawadda  iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay ganacsatada kula dardaarmeen in ay ka faa’iidaystaan mashruucan oo ay tilmaameen inuu waxtar u leeyahay dalka.

Comments

comments