Somaliland: Baashe Cawil Oo Waraysi Dheer Kaga Hadlay Casriyaynta Dekadda Iyo Siyaasadda

217

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa tafaasiil dheeraad ah iyo ahmiyadda uu qaranka u leeyahay ka hadlay heshiiska casriyaynta dekadda Berbera ee dawladdu Bishii May ay la gashay shirkadda DP World.

Baashe Cawil waxa uu mid mid uga jawaabay su’aalo ku taxan taariikh nololeedkiisii, kaalintiisa siyaasadda iyo weydiimo kale oo la xidhiidhay heshiiskan, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay todobaadkan TV-ga Universal barnaamijkiisa milicsiga siyaasiga. Kaasi u dhacay sidan:-

S: Horta Baashe Cawil waa kuma bal noo soo koob taariikh nololeedkaaga?
J: Waxaan ku dhashay Hargeisa, waxaana aniga oo sanad jira markaa reerkayagu u guuray Mogadisho, oo markaa odayga aabahay oo Saraakiishii sare ee Bangiga Hargeisa joogay loo wareejiyay Central Bank Mogadisho. Halkaa ayaan ku dhameestay Dugsigii dhaxe, ka dibna aniga oo wada secondary schoolkii ayaa aan kasoo baxay Xamar, waxaana aan markaa imid England. Waxa aan sii watay wax barashadaydii waxaana halkaa aan ka galay Jaamacad, oo Degree Chemistry aan ku dhameeyay University College London, ka dibna waxa aan scholarship ka helay Master ah University of Manchester oo aan ku sameeyay MSc in Petrochemistry.
Waxaan markay intaasi dhamaystay u wareegay Maraykanka, oo aan deganaa muddo ilaa 10 sano ah oo aan ka shaqeenayay as a Research Sceintist.

Sanadkii 2008 ayaan u soo wareegay England oo shirkadii aan u shaqeenayay USA ii soo wareejisay halkaa, waxaana aan degay Manchester oo ilaa 2011 joogay. Intii ka danbeesayna taxa aan ku sugnaa dalka.

S: Waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku dhagacaabay wakiilka u fadhiya Somaliland Dalka Imaaraadka Carabta, Maxaa ilaa hadda kuu qabsoomay?
J: Runtii sida aad sheegtay faysalow Aniga waxa uu madaxweynuhu I magacaabay June 30-2015, intaa wixii ka horeeyey dawladda imaaraadka wuu inaga dhexeeyey xidhiidh aan joogto ahayn, haseyeeshee kumaynu lahayn safiir joogto ah, wuxuu imaaraadku ka mid yahay dalalka aynu ilaaqaadka cusub la samaysanay ee safiirada u magacawnay.

Markaa aniga lay magacaabay waxay ka dambaysay safar madaxweynuhu bishii June dabayaaqadeedii uu ku tegay dalka Imaaraadka oo uu kula kulmay ninka weliyu-axdiga ah, Mohammed Bin Zayed Bin Ahmed Nahyan iyo Wasiirka Madaxtooyada Mansour bin Zayed Al-Nahyan, Safarkaa ka dib waxa halkaa ka dhalatay oo Madaxweynuhu istusay runtii inay u muuqatay baahi ah in aynu dalka imaaraadka ka samaysano xafiis, madaama daneheena iyo maslaxadeena aad isugu xidhan tahay ahna dal taariikh badani inaga wada dhaxayso, ka dib ayuu madaxweynuhu isaga oo dareenadaa qaba I magacaabay.

Mudadaa lay magacaabay way jireen mashaariic dhawr ah oo ka horeeyey oo dalka imaaraadku waday, haseyeeshee intii aniga lay magacaabay waxan xoog saaray inaan ka shaqeeyo arrimo dhawra. Qaybi waa qaybta koowaade waxan xooga saaray xagga horumarka (Development) madaama aynu nahay dal soo kobcaya oo baahiyo farabadan leh, dhibaatooyin badan oo wakhtiyadii dagaaladii inagu dhacay oo burbur ahaa ay jireen, inaynu waxyaalaja horumarka ah ee (Managerial Developments Projects) xooga saarno, waxa markaa taagnaa runtii abaaro aad u ba’an oo dalka ka dhacay, waxa aanu markiiba gudbinay codsi madaxweynuhu u diray dalka Imaaraadka Carabta kaasoo ku saabsanaa in dadkaa loo soo gurmado abaaruhu saameeyeen, waanaynu la wada soconay fariintaa uu madaxweynuhu diray jawaabteeda oo dalka Imaaraadku si wacan ayey uga soo jawaabeen Tirana saddex jeer ayey dalka Imaaraadku yimid oo uu kaalmeeyeen dadkeena, halkaa runtii kumay joogsan waxtarka dalka imaaraadku inoogaystay wax badan oo baahiyaha biyaha ah ka mid ah, mashaariicdii dalka imaaraadku ka fulinaayo Somaliland, mashruucaasi sida aad la socoto waxa uu marayaa gabaabsi, waxanan rajaynayaa insha Allaahu bisha November Sanadka 2016ka inuu soo gebegeboobo.

Mashruucaa marka la eego kharashka ku baxay kama yara ilaa 10Milyan oo Doollar, waxa uu dalka imaaraadku mashruucaa Somaliland ugu talogalay madaama waxa aynu ka cabanaa inta badan ay tahay biyo yaraan tahay inuu waxweyn ka qaybqaataan xagii biyo gelinta ahayd iyo taakulaynta. Waxa kale oo ay wadaan mashruucii biyo gelinta caasimada Hargeysa lagu keenayey ee xumbo weyne isaguna ah, mashruucaas oo wejigiisi hore uu Imaaraadku u sameeyey oo aynu ogayn in ka badan 11 Ceel laga fuliyey xumbo weyne, waxa aanu markaa u gudbinay oo uu madaxweynuhu u diray codsi uu kaga dalbanayo in ceelashaa lagu soo xidho biyaha Hargeysa, waxaanu markale imaaraadku aqbalay inay mashruucaa biyo gelinta ay soo ogolaadaan oo aanu uga mahadcelinayno dawlada imaaraadka runtii, mashruucaasina waxa uu noqday oo aan nasiib u yeeshay inuu soo noqdo anigoo safiirkii Somaliland ah, hawshiisiina imikaa la gelayaa insha Allaah oo si dhakhso ah ayuu u bilaabmi doonaa.

Waxa kale oo iyagana ay imika dawlada imaaraadku ay wadaan madaama aynu dad xoolo dhaqato ah aynu nahay oo runtii aynu xoolaha aad u dhoofino oo aynu ognahay in dhaqaalaha ugu faraha badan dalka sucuudi arabiya uu dhaqaaleheena ugu faraha badani ka soo galo xooleheena, waxa uu imaaradku is tusay oo runtii ay inah ataakuleeyeen inay sameeyaan Kawaan Xoolaha lagu qalo, markaa xoolaha la dhoofinayo oo keliya aanu noqon waxa la dhoofinayaaye ee xoolahaa la qalayo noocyo badan looga faa’iidaysto.

S: Reer Somaliland waxay dawladda imaaraadka leeyihiin xidhiidh ganacsi, dad badana way inaga degan yihiin, bal markaa waxad ka warantaa xafiisku muxuu ku soo kordhiyey, markaad eegto dhinicii xidhiidhkii, Ganacsigii iyo dadweynaha jaaliyada sidaad isugu xidhan tihiin?

J: Jaaliyada Reer Somaliland waa jaaliyad taariikh fara-badan leh oo soo jireena ayaa joogta halkaas oo reer Somaliland ah, jaaliyad aad odhan karto uun wakhtigan Somaliland intii 25kii sano uun maahee wakhtigii halgankiina door weyn ayey ka qaateen ayaa joogta oo SNM-tu ka heli jirtay dhaqaale faro badan, aniga intii lay magacaabay halkaa xafiiska mudadii sanadka ahayd waxan isku dayey inaan kulamo la samayno, Abu-dubai, Jaaliyadeeda waan la kulmay, dubai jaaliyadeeda iyo ganacsatadeeda iyagana gaar ayaan u aragnay, magaalooyinka kale ee ay ka mid yihiin raasa-khayma iyagana waanu is aragnay, magaalooyin ii hadhsanina way jiraan. Ujeedada ugu weyn ee runtii xafiiskayagu muhiima saarayeyna waxay ahayd in baahiyaha ay leeyihiin jaaliyadu ee haday noqoto xaga shaqo abuurka oo runtii dhibaato fara-badani kaga timaado jaaliyada halkaa degan oo aad moodo marka ay shaqooyinka helaan xagaa ay kala kulmaan caqabado faro-badan inaanu arrimahaa u soo bandhigno dawladda imaaraadka, dhanka kale waxa aanu iyagana gacan siinaa ganacsatada oo runtii marar badan uu culays ku yimaado, baahiyahaa iyo kuwo kale oo jaaliyadu noo soo bandhigtaba waxa aanu isku daynaa inay noqoto meel runtii lagu soo ururiyo isla markaana u noqota af dad badan oo aan markii hore haysan xafiis ay u gudbiyaan, wax badanina runtii way nooga dhaqaaqeen oo runtii xaga ganacsatada haysatay oo ay markii hore culaysyo ka haysteen xaga dhaq-dhaqaaqa iyo haday noqoto dadka hadda shaqo abuurka ah, xaga waxbarashada laftigeeda arday faro badan oo scholarship la siiyaa jirta oon hore u jirin oo mudooyinkii aanu xidhiidhka la samaynay lala hadlay hada oo ay bilaabeen in ardayda ugu saraysa ee Reer Somaliland, derejada fiican keena la siiyo scholarship dalka gudihiisa ah, markaa way socotaa oo ma odhan karno baahiyo fara-badan ayaanu daboolnay runtii waxa badan oo aanu imika soo socdaana way jiraan.

S: Dhawaan waxa Somaliland heshiis taariikhi ah lagashay Shirkada Dubai Port World (DPW), madaama aad tahay wakiilka Somaliland u fadhiyey dalkaas bal noo faah-faahi heshiiskaas?
J: horta DP World anigu uma baahni in aan faah-faahin dheeraada ka bixiyo oo waxan filayaa dad fara badan oo granaya shirkadu waxay tahay, shirkada DP World waa shirkad ay iska leedahay dawladda dubai, waa shirkad aad runtii odhan karo waa shirkadihii ugu horeeyey ee gaar ahaan dawladda dubay markii ay bilowday inay gacansiga furan qaadato waa shirkadihii ugu horeeyey ee la sameeyey wakhtigaa. Waxaanay noqotay inay bilawdo meel dalka imaaraadka isku xidha iyo weliba ka dunida, markaa imika markaad eegto DPW markaad eegto waxay maamushaa in ka badan 66 dekedood, in ka badan lix qaaradoodba waxay joogaan oo way ka shaqeeyaan. Shirkada baaxadaa leh runtii ee hawsheedu intaa leegtahay kolay su’aasha is waydiinta muddani waxay tahay maxay ka soo dooneen berbera, waa maxay ujeedada berbera heshiiskan ula galeen?

Taa anigoo ka jawaabaya runtii, ujeedada ay ka leeyihiin waxa weeyaan inaga reer Somaliland ahaan, berberi waxay ku taalaa meel Caalamiya oo markaad u eegto meesha aynu naalno u noqon karta albaab gacankan aynu joogno iyo mandaqadan, xagan waxa inaga xiga Itoobiya oo bulshadeedu 100Milyan gaadhayso, itoobiyana waxaynu ognahay inay tahay dal xidhan oo aan lahayn dekedo marka la eego taa ay isticmaalaan ee Jabuuti.

Boqolkaa milyan ee bulshada ahi waxay u baahan yihiin meel ay wax ka dhoofsadaan meel ay wax ka soo dejistaan way u baahan yihiin, marar badan oo ay madaxweynaha la kulmeen madaxda Itoobiya waxa ugu muhiimsan ee ay marwalba kala hadlayeen waxa uu ahaa, waxa aanu u baahanahay dekeda Berbera in la hor mariyo oo la maalgeliyo (Development and Investment) Arrinkan hadda dhacay ee DP World ku timid inay maalgelisana maaha arrin ay shirkadu iska jeclaatay oo ay tidhi halkaasaanu iska tegaynaaye waa arrin ay isla eegeen labada dawladood oo la isla qaatay in deked labaad la horumariyo oo gobolka ah oo horumar u samaysa, waana ta dhalisay in mashruuca baaxadaa leh ee 442M ah oo aad odhan karto wuu ka weyn yahay kii ay ku sameeyeen Dooraale iyo mashaariicdii kale ee ay dekeda kale geliyeen aad odhan karto wuu ka weyn yahay waana baahida keentay taa. Inaga runtii waxa inaga soo gelaya iyo faa’iidadiisa waxan filayaa in idhii caafimaad qabta aan loo sheegayn.

S: Waxay dad badani qabaan oo la leeyahay dekedii waa la iibiyey oo waxa weeyaan dekedii imaaraadkaa laga iibiyey dadka qaar aragtidaa ayey qabaan markaa ka waran?

J: waxa la yidhi hal wax diidani geed ay ku xoqoto ma waydo, Anigu waxan qabaa dadka leh dekedii waa la iibiyey in aanu ahayn qof maslaxad Somaliland ka hadlaya in aanu ahayn, Dekeda lama iibin, xukuumaduna waxay heshiiska la gashay DPW, heshiiskan ay la gashayna waa heshiis ah in ay dawladu kiraysay dekedii muddo 30 sano ah, kiradaa maxaa ka soo gelaya weeyaan, kiradaa dawlada waxa ka soo gelayaa waa saddex qaybood, qaybi waa qiimo go’an 5milyan ah oo dawladu imika ka helayso sanad walba, shantaa milyan markaad dhaafto waxa kale oo dawladda la siiyey oo ay DPW ku heshiiyeen in shirkada maamulaysa oo ah DP World iyo Berbera Port in ay qolana 65% qaadato qolana 35% qaadato waxa faa’iidada la yidhaahdo ee ka soo gelaya, qaybta saddexaad ayaa ah in (Total Revenue)ga guud ee dekeda laga soo xareeyo intaan waxa faa’iidada iyo wixii la isticmaalay laga jarin in 10% ay Somaliland mar labaad helayso, markaad intaa isku soo darto waxa muhiima in markaa lays waydiiyo faa’iidadaa aynu ka wada helayno ee intaasi ma waxbaa inooga kordhay wixii hore ee aynu haysanay mise waxbaa inaga go’ay, anigu waxan qabaa waxbaa inagu kordhay dakhligeena ku sheegi mayo oo faysalow waad ogtahay inaga dakhliga ugu fara-badani waxa uu inaga soo gala berbera, marka lagu daro cashuurta qiyaastii waxa aad odhan kartaa waxa soo galay ilaa 260 Milyan sanadkii dhawaa markaad eegto. 260M kaa 200M waa cashuur, cashuurtaasi isma bedelayso dawladu sideeda ayey u helaysaa oo waa cashuurtaa maaliyadeena inoogu soo dhacaysa.

Markaa waxad leedahay Maaliyadu “Costumes” ku sidiisi ayuu ahaanayaa, haa sidiisi ayuu ahaanayaa wax Allaale wax laynaga taabanayaa ma jirto. 250M ee aynu imika helaynaa haday DPW timaadana wax la taabanayo maaha oo waxa laga yaabaaba inuu inooga sii kordhaba dhici karta. Waxa laga hadlayaa markaa 260kii markaa 10M ayaa soo hadhay oo ah adeegii (Service) kii waxa laga jaraa “Operation Cost”shaqaalaha, hawl maalmeedka dekeda iyo wixii la mid ah, waxa laga yaaba faa’iidada dekeda ee imika ku jirta oo kale ee dawladu ka helaysay 2M ayey ahayd. Hadaba in lays waydiiyo dawlada miisaaniyada imika 2m ayaa ugu jirta oo faa’iido ah, hadana waxa dawladu heshiiska la galnay DPW, barlamaanka ayaa la horkeeni doonaa insha Allaahu uu noqonayaa mid aan 5M oo (fixed rate) ah oon is bedbedelayn oo sanad walba ay dawladu helayso ama dekedu faa’iido ha samayso ama yaanay samayn ah, On top that 10% Revenue iyo 35% ah farqigii, saddexdaa markaad isku darto hadaad xisaabiyo 5m mudada 30ka sano ah 150M ayuu noqonayaa, kuam jirto 442m ee dhismaha dekeda oo ah asad qaranka u soo hadhaya oo 30ka sano ka dib sidaa ruushka iyo Maraykankuba inoogu dhiseen ee ay maanta dekedeenii u tahay una haysano ayey 30 sano ka dib 800miter ee dekedeena cusub ee ka dhisayo aynu u yeelanaynaa.

S: Hadal ka soo yeedhay odayaasha ama dhalinyarrada reer Saaxil waxay ku sheegeen in aanay diidanayn iyagu in dekedii la balaadhiyo balse la rabo in deked cusub la dhiso, idinkuna aydaan dekedii cusubayd diyaar u ahayn, bal arragtidaa iyana maxad odhan lahayd?
J: Odayaasha Reer Saaxil waa odayaal sharaf leh oo waa odayaashii gobolka weeyaan qadarin iyo xushmadna waan u hayaa, waxan runtii soo dhawaynayaa fikirkooda ah inay marwalba taageersan yihiin in marwalba la dhiso deked cusub, ka aanu wadnaana waa kaas uun, anigu cid lagu yidhi dekedii hore ayaa la maamulayaa oo la wareejinayaa ma maqal meel ay ka baxdayna ma jirto, barmaamijkan heshiiska ah ee xukuumadu la gashay DPW wax qarsoon maaha oo xukuumadu mar hore iyo mar dambeba way sheegtay marwalba waxay sheegtaa inay hor keeni doonto baarlamaanka, qodonada ku qoran iyo dhismaha dekeda cusub wuxu noqonayo, inta baaxadu leekaan doono waxas oo dhan heshiiskaa laga dheehanayaa anigu waxan qabaa markaa in aanaan isdiidayn hadaladaa odayaasha reer saaxil yidhaahdeen ee ahaa annagu deked cusub uunbaanu doonaynaa, dee dekedii cusubayd ayaa la wadaa oo xukuumadu waddaa, dekedaa qabyada ah baa la dhisayaa, insha allaa baarlamaankaa la keenayaa annagu ma qabno in wax la qarinayaa ay ku jiraan waxa ku jirana ishaa u macalin ah oo waa la wada arki doonaa.

S: Dhinaca maamulka dekeda sidee maamul ahaan loo qaybinayaa oo dadka qaar waxay leeyihiin sheerer qarsoon ayaa jiroo uu baashena ku jiro, sheerarkaa qarsoon markaa maxaa ka jira?

J: horta waxa muhiima marka wax la sheegayo inay ku dhisnaato wax jira faysalow waxa aynu la soconaa markastoo mashruuc dalka laga fulinayo oo wax la hagaajinayo dadbaa wax yidhaahda, shalay markii wadada ceerigaabo la dhagax dhigayey ee caruurta iskuulada laga ururinayey lacagta caruurtuna nusasaacahoodi bixinayeen, rag waa weyn ayaa intay Tv-yada soo istaageen yidhi barmaamijkani, mid jira maahoo waddo la dhisayaana ma jirtee huuhaa 400km dunida cid dhista dawlaha waa weyn oo ina caawiya mooye ma jirto, caruurtaa nusasaacaha laga guranayaa wax wada caynkaas oo miidhan ayaa la sheegayey, maanta waa ilaahay mahadii mar hadii dadkii qaar badan oo ka mid ahi ay maanta mareen oo ay xukuumadii ugu hambalyeynayaan iyagii oo ay leeyihiin xukuumadii wax wanaagsan ayey qabatay, waxa kale oo aynu la soconaa markii Airportka la dhisayey sidoo kale qaar ayaa lahaa keeryoono ayaa wax lagu dhisayaa oo meesha Runway ma jiro, dadkaa been loo sheegayaa, Airport ka dhisayaa ma jiro, maantana Airport kaa caalamiga ah ee Fly Dubai, Ethiopian Airline iyo kuwo kaleba ay imanayaan weeyaan.

Markaa waxan qabaa mashruuc kasta oo horta la bilaabo dad baa wax ka sheega, Fly Dubai markay imanaysay qaarbaa lahaa share ayaa kugu jira, goorta aan anigu Dubai Government iyo Fly Dubai aan share holder ka noqday qaran maayo anigu. Markaa waxa aan qabaa uun dad doonaya inay tashuush ku furaan mashruuca DPW. DPWorld waa shirkad Dubai Government ay leedahay shaqsiyaadna sheer lama gasho, shirkado kalena shares lama gasho oo shirkad u baahan maaha oo waa shirkad dawladeed weeyaan, shirkad ka diwaan gashan ingiriiska weeyaan, shirkad shilimaadkeeda la baadho oo la dabo galo waxay bixinayso iyo wax wal oo ay gasho 100 Accounts iyo International Standar lagu eego weeyaan, shirkad mugdi geli karayo maaha, markaa waxa wanaagan in ka wax sheegayaa inuu soo cadeeyo oo waxa uu sheegayaa ee uu leeyahay halkan ayuu 10% ugu jiraa in aanu dadka wax ku tiri ku teena u keeniin, ee waxa runta ah ee xaqiiqda keeno, xaqiiqduna waxa weeyaan maalgashigan ay DP World wadanka u samaynayso waa wax wanaagsan, waa wax horumar inoo leh, waa wax ay tahay in aynu dhinacyada qabsano, waa wax ay tahay in aynu mucaarad iyo muxaafidba aynu isugu soo dhawaano runtiina aan la siyaasadayn, waayo hadii beri mucaaridku ay dalka qabsadaan waa wax iyagu markaa maamulkeeda iyo hawsheedu gacanta u gelayso, waxa laga hadlayaana waa waxa 30ka sano ee soo socota mustaqbalka caruurteena anfici doona, waynu ognahayo faysalow caruurteeni tahriib ayaa gamta u joogsatay oo baday isku tuurayaan, shaqo la’aan ayaa dalka ka jirta, shaqo la’aantaa jirtana xal ayeynu u baahanahay xalkuna waxa uu noqday in aynu shaqo abuur samayno, shaqo abuurkana maxaynu ku samaynaynaa, Namberka imika dekeda ka shaqeeya ee tiro ahaan jooga waa 2,700.

Waxaana fulltime ah 700 iyo 2,000 oo ah cashwallker, mashruucani marka uu dhamaado ee lagu daro Freezone kii shaqalaha iman doona ee ka shaqayn doonaa 8,000 kor ayey u dhaafi doonaan marka lagu daro waayo indestre backs ayaa la samayn doonaa, Company yadu yimaadaan shaqo abuur ayaa la samaynayaa si dadka dhalin yarada ahi u shaqo tagto, waxa la balaadhin doonaa xajmijii ay dekedeenu lahayd taasoo abuuri doonta in loo baahdo dad kale oo shaqaale ah, wax kor loo qaadidoonaa tayada shaqaaleheena oo imika aan la siin waayo waxaynu ognahay imika jabuuti in inka badan 100 tababar loo geeyey Dubai markay dooraale la wareegayeen oo muddo sanad ah lagu hayey lana tababaraayey, markaa waxan qabaa in shaqaalahan horena ay ka faaiidayaan horena Shirkadu way u sheegtay mar kalena Heshiiska ayey ku jirtaa in aanay wax shaqo dhimis ah samaynayn, shaqaaluhuna ay joogayaan una baahan doonan shaqaale intaa ka fara badan oo kale.

S: Baashe inkasta oo faa’iidoonka aad loo sheegay dad badani hadana waxay leeyihiin metelan 5Stars, Dhinaca Dalxiiska, waxyaabo kale oo dhinaca horumarka ah markaa balxoogaa siday wax u jiraan?

J: Runtii markii heshiiskan xukuumadu gelaysay wuu ka duwanaa heshiisyadii hore oo waxay ahayd markaynu gelayno tusaale ahaan markaynu heshiiskii shidaalka oo kale gelaynay shirkadaa lala geli jiray iyagoo madax banaan oo aanay dawladi lahayn, kani waxa uu kaga duwanaa Dawlad ka dawlad ayuu ahaa (Government vs Government) ayuu ahaa markii la gelaayeyna dekedu waxay saldhig u ahayd heshiiska balse waxa jirtay waxyaabo badan oo la socday markaa oo ay ka mid ahayd wadada, sababta ay wadadu muhiim ugu tahay DPW maaha inaga uun ee DPW umay iman 5m ee inaga soo gala Services ka ay innala wadaagto oo taa aan ku sheegayo ee 500m ku dhawaadka ahi waad qaybin kartaa in 5m waxa laga helayaa waxa loo qaybsano ujeedadu taa maaha ujeedadu waxa weeyi in Suuqa itoobiya la galo, hadaba sidaynu ku gelaynaa in wadada la dhiso, maalinta dekedaa cusub la dhiso in wadadiina inoo dhisan tahay, heshiiskii la galay markii madaxweynuhu joogay dubai ee uu la galay DPW ee lagu wada heshiiyeyna waxa qayb u ahaa in wadada imaaraadku kharshka ku baxaya raadiyo oo uu dhiso.

In la sameeyo Hoteelo 5Stars ah oo dadka baayac mushtarka ah ee u imanaya dekedu la macaamulaan iyo dadka kale ee doonaya inay wadanka maalgashadaanba ay yimaadaan kuna degaan oo waynu la soconaa dhibaatada taa inaga haysata, waxa kale oo ka mid ahaa oo laga hadlay Freezone ka oo ah qayb la shaqaysa dekeda oo muhiima oo aynju runtii inagu dhulkeeda hayno waxaynu ku naalaa meel caalamiya oo afrika albaab u ah, dalka imaaraadkuna waxa uu u danaynayaa berbera inay u noqoto goob ganacsi oo ay ganacsigooda afrika halkaa kaga duulaan. Marka uu dhamaato mashruucani waxa aan qabaa inay berberi noqon doonto mid wax weyn ka bedesha wejigii ay berberi lahaan jirtay ee hore loogu yiqiinay markaan taa leeyahay iskama lihi ee waxan uga socdaa markii jabuuti mashruuca dooraale ay maalgelinaysay sanadkii 2002 gii koontaynarka dekeda ka baxaayey waxay ahaayeen ilaa 100,000 oo koyntaynar kuwan 20f ka ah maanta markaad eedto 2015ka 900,000 ayey kor u dhaafeen, maalgelinta la geliyey 4m Handran ayey ahayd waxa kale oo uga soo baxay wadooyin hoteelaa loo dhisay.

S: Aan kula kaftamee baashe waxa la leeyahay baashe Hanti faro badan ayuu leeyahay oo Guryo ayuu ka dhistay Kenya, oo uu boobay, bal aragtidaa ka waran dadka qaarbaa qaba?

J: Anigu maanta ka hor hore ugama hadal arrinkan waa runtaa warkaa shebekado badan oo aan lagu ogayn in ay wax wanaagsan sheegaan ayaa ka hadla oo wax qora, markaad waydiiso eed tidhaahdo hantidaa baashe boobay xagay taalaa, maxay tahay soo sheeg, garan maaye intuu sawir soo sawirto ayuu soo geliyaa website kiisa ka dibna waxa uu yidhaahdaa guri caynkaas ah ayuu baashe iibsaday, guriga la iibsadaa ceeb maaha qofku guri wuu iibsan karaa, hantina wuu yeelan karaa oo ilaahay waa bixiyaa inagu isuma hayno oo waa irsaaq ilaahay keeno, hadaynu inagu isu hayno gamta ayeynu isu joogsan lahaynba, wax laysku caayona maaha qofkaasi hanta ayuu haystaa ama ma haysto anigu ma odhanaayo oo ilaahay ayaa mid walba keena, haseyeeshee aniga jawaabtaydu waxa weeyaan, Hanti intii dawlada madaxweyne siilaanyo ay jirtay aan iibsaday oon dubai ka iibsaday oon London ka iibsaday ma jirto labadaa magaalaba guryihii aan ku jiray ayaan ku noolaa waa la yaqaanaa labada guriba laba guri oo kiro ah ayey ahaayeen xaqiiqdii labada guriba laba qof oo reer Somaliland ah ayaa ku jiray oo markii ay ka baxeen aan ka daba galay, markaa meel qarsoon oo laga been sheegi karo oo la odhan karo baashe meel halkaasa ayuu leeyahay oo uu guri ka iibsaday maahee, dee hadaad Nairobi tagto ama aad dadkii waraysato gurigaygii yiqiinay waa la garanayaa cidii ku jirtay, dubaina sidoo kale waa la yaqaana oo guriga aan ku jiraa waa kiro reerkii ku jiray oo reer Somaliland ah ayaa markay ka baxeen aan galay.

Guri la iibsado sanadkii 2002 ayaan Kalafoorniya guri ka iibsaday aniga iyo xaaskayguba waanu shaqeeysanaynay Guri 800,000 oo Doollar ka badan ayaanu iibsanay dee markaa madxweyne siilanyo madaxweyne ma ahayn, markaa qofka wax sheegayaa taa ka hadli maayo oo odhan maayo ninkani hanta buu lahaaye waxaan jirin iyo huuhaa inta uu soo sawiro ayuu doonayaa inuu dadkii ka dhaadhiciyo markii hore ee la soo qori jiray anigu kama hadli jirin oo xil aan hayey ma jirin oo imay haboonayn inta aan meel soo istaago in aan idhaahdo arrinkaasina ma dhicin karinkaasina ma dhicin maalin walba, laakiin maanta fursad ayaan heloo adna waad I waydiisay su’aasha.

S: Waxa kale oon ku waydiinayaa kolay fulle xantii ma mooga ayey yidhaahdaano, baashe waxa uu ka tirsan yahay qoyska Madaxweynaha, markaa awood qayral caadiya ayuu metelan isaga iyo rag kale oo madaxtooyada joogaa ay haystaan, aragtidaa qudheeda ka waran?
J: dee horta qoys madaxtooyada ka tirsan waan ahay oo madaxweynaha la xidid ayaan ahay imikana may ahayne, madaxweynaha waxa aan la xididay 1995kii isagoon madaxweyne ahayne markaa shacaba, runtii dadka sidaa u hadlana waxan u arkaa uun dad u meel waayey cay iyo aflagaado ay caadaystaan, markii horena ay damci jireen inay madaxweynaha ku sameeyaan, markii dambe ee madaxweynaha dadku ka gacan taagtay ilayn nin walba taariikhdiisa waa la yaqaan oo cidna loo sheegi maaye madaxweyne siilaanyo nin lagu tuhmo musuq maashaq maaha xumaan lagu tilmaamayaana ma jirto markaa, markii wejigaasi iibsami waayey waxay bilaabeen inay weji kale abuuraan oo ah inay yidhaahdaan hebel iyo hebel ayaa dalka ka taliya, hebla iyo hebel ayaa awood dheeraada leh, wadanka dee madaxweyne ayaa ka taliya oo la doortay anaguna dee shacab ayaanu nahay, shacbigana madaxweynuhu xiliga uu doono ayuu xilna u dhiibaa midna ka qaadaa awood ka baxsan taa safiirnimadayda oo aan leeyahay oo qarsoona ma jirto, haseyeeshe kuwaa aad sheegaysay ee marka horena guryaha beenta ah igu calaamadinayey ayuunban filayaa inay imageka caynkaas ah inay abuureen, qofna dhaliil ma waayayo oo basher ayeynu nahay haseyeeshe in waxa jira ee dhabta ah wax laga sheego ayaa wacan, qoladiina saxaafada laftigeeda waan la kaftamayaa faysalow oo waxan leeyahay marar badan waxaasa jira ayuunbaad tidhaahdaane inaad soo xaqiijisan warku waa muhiim hadii uu nagu cadaado oo aanu dambiile nahayna lana sheego hadii kalena lana baraxo.

S: Adigoo da’a yar ayaad gashay siyaasada markaa maxaad doonaysaa mustaqbalka bal ma sii wadaysaa?
J: Waa runtaa oo anigu markii horena siyaasad kuma jirin nin Backgound kiisu Saynis ahaa ayaan ahay oo shaqadaydu way ka fogayd siyaasad haseyeeshe nina ma oga waxa soo socda balse Alle ayaa og siyaasada waan imid oo waan galay safiirban ahay, imikana himiladaydu waxay ku foogan tahay sidii aan u gudan lahaa xilkaa uu madaxweynuhu u magacaabay ee safiirka imaaraadka ah iyo sidii aan uga soo bixi lahaa wxii aan awoodayda ahayna isku canaan maayo wixii intaa ka dambeeyana waxan u daynayaa Xag ALLE iyo Mustaqbalka
Wa-bilaahi Tawfiiq

Comments

comments