Miyuu Riyad Mehrez Ku Biiri Doonaa Arsenal ? Macalinka Leicester Claudio Rianeri Oo Ka Jawaabay

543
during the Barclays Premier League match between Chelsea and Leicester City at Stamford Bridge on May 15, 2016 in London, England.

Waa mid naga mid ah wuuna nala joogi doonaa” ayeey aheyd jawaabtii aan dhagaha jamaahiirta Arsenal u rooneyn ee uu bixiyay macalinka kooxda Leicester City Claudio Rianeri markii la weydiiyay inuu Mehrez ka tagi doono kooxda iyo inkale.

Xidigaan xulka Algeria ayaa xalay dhaliyay gool u roonaa indhaha mucaashaqiinta kubada cagta wuxuuna markale tusay Arsenal waxay ay heli doonaan hadii ay isaga la soo saxiixdaan laakin macalinka dawoocyinka duulama ee Leicester ninka loo yaqaano “The Tinker-man” ayaa niyad jabiyay kooxda Gunners.

Macalinka ree talyaani ayaa yiri “Waxaan qaadnay horyaalka isagana wuxuu kamid ahaa xidigaheena ugu muhiimsan, sidaasi darted waa caadi iney jiraan warar xan ah oo la xiriirinaya inuu baxo, waa run iney kooxo badan xiiseynayaan laakin wuu joogi doonaa”.

Markii la weydiyay in Mehrez uu u qalmo £45 milyan oo pound, maclainkaan ayaa yiri “Beri qolo saxaafada kamid ah ayaa dhihi doonta waa £100 milyan oo pound taasina waa lacag inoo fiican laakin ma dooneyno, hadii uu koox kale aado waxaa laga yaabaa inuusan helin fursad uu ugu raaxeysto sidii uu halkaan ugu raaxeysanayay”.

Comments

comments