Somaliland: Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasada

263

Suldaanka Guud ee Beesha Bariga iyo Koonfurta Magaalada Hargeysa Suldaanka Guud ee Beesha Bariga Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin Oo maanta U Waramay Warbaahinta  Qaarkeed ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ku Bogaadiyey Degmooyinkii Cusbaa ee uu dhawaan magacaabey,

Suldaanka Guud ee Beesha Bariga iyo Koonfurta Magaalada Hargeysa Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin sidoo kale waxaa uu soo dhaweeyey Go”aankii maanta ka soo Baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta Qaranka loogu Garnaqay dacwaddii khilaafka xisbiga UCID

Sidoo kale Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin waxaa uu Xukuumada Somaliland uu ku Hambalyey Go”aamadii ka soo baxay shirkii nabadeed iyo gogolshii uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyey beelaha Maxamud Bari Hiniinle iyo C/raxmaan harti. Ee lagu soo gunaanaday Deegaanka Awr-boogays oo ka tirsan gobolka Sanaag

Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin waxaa uu xukuumada Somaliland uu ugu Baaqay inay fuliso Heshiisyada ay la Gasho Beelaha.

Gaba-gabadii Suldaanka Guud ee Beesha Bariga iyo Koonfurta Magaalada Hargeysa Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin waxaa uu Bulshada Somaliland u soo jeediyey inay ka wada shaqeeyaan Nabada.

 Wariye; Mustafe Ahmed (Samakaab)

Email; Mustafe-axmed@hotmail.com

Comments

comments