Somaliland: “Muniir Axmed Cadaalad Darro Iyo Dano Siyaasadeed Ayaa Lagu Xidhay Wanan Soo Dhaweynayaa Inuu Xorriyadiisa Helo”. Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen

Somaliland: Garabkii Jamaal Iyo Xisbiga Kulmiye Oo Si Wada Jir Ah Uga Wadlay Natiijada Ka Soo Baxay Kulamo Ay Wada Qaateen

Murashaxa Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay xorriyada uu dib u helay Guddoomiyaha Somalilandtoday Media Group Muniir Axmed Cigaal oo laba casho si xaqdaro ah ugu xidhnaa Magaalada Hargaysa, iyadoo maanta Maxkamada Demada Hargaysa si xor ah ugu soo celisay Xorriyadiisi.

 

Mud. Jamaal Cali Xuseen oo la soo xidhiidhay Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com wuxuu yidhi. “Muniir Axmed Cigaal sidii aan hore u sheegay xadhigiisu mid siyaasi ah ayuu aha, runtii ninkaas dadka aqoonta fiican u leh ayaan kamid ah, waa nin dhalinyaro ah oo masuul ah oo saamayn badan leh runtu siday tahay.  Eedayntii Muniir loo sameeyay haddii ay waxba ka socon waayeen aad baan u soo dhaweynayaa cadaladu helayna u bogaadinaya.”.

Mud. Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Siyaasadda iyo afkaaraha waynu ku kala duwanaan karnaa ceebna maha, wiil iyo aabihii ayaa ku kala baydhi kara maha inay cabudhin iyo xadhig loo adeegsado, waan ka digaynaa arrimahaasi inay soo noq-noqdaan,”. Sidaa ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Murashaxa Jamaal Cali Xuseen.

Comments

comments

SHARE