Man United Oo 180 Milyan Euro Ku Maalgashaneysa Paul Pogba Xilli Juventus Ay Ka Fiirsaneyso Inay Iska Iibiso.

259

Manchester United ayaa wadar ahaan ku maalgashan doona Paul Pogba adduun lacageed oo gaaraya 180 milyan euro oo ay ku jirto 120 milyan euro oo ay ku soo iibsanayaan iyadoo Juventus ay bilaabeyso inay ka fiirsato iibkiisa.

Maalmahan ayaa ah maalmo muhim u ah suuqa kala iibsiga Bianconeri, waqti la isla dhexmarayo inaysan wax guul ah ka gaarin doonistooda Gonzalo Higuain ayaa kiiska Pogba waxa uu ku dhow yahay inuu qarxo.

Sida lagu qoray saaka jariirada Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport, wakiilka awooda leh ee ciyaaryahanka Mino Raiola ayaa haatan ku sugan Manchester halkaasoo uu iibka ciyaaryahanka kala hadlayo Red Devils.

Jose Mourinho ayaa ka mid ah raga sida weyn u jecel ciyaaryahanka, waxaana ay kooxda isku dayaysaa inay maalgashi weyn sameyso si ay u qanciso ciyaaryahanka. Waxaana lacagta ay ku bixineyso ka mid ah 120 milyan euro oo ay ku soo iibsanayaan iyo heshiis shan sannadood ah oo uu xilli ciyaareedkii qaadanayo 12 milyan euro taasoo wadar ahaan lacagta kaga baxeysa Pogba ka dhigeysa 180 milyan euro.

Kooxda ka dhisan Turin ma wada heli doonin 120ka milyan euro, iyadoo heshiis rageed oo u dhaxeeya kooxda iyo xiddiga khadka dhexe uu dhigayo in ciyaaryahanka uu qaadan doono boqolkiiba 20 lacagta lagu iibsanayo taasoo la micno ah 24 milyan euro.

Juventus ayaa ilaa iyo haatan ku adkeysaneysay inaysan iibin doonin ciyaaryahanka ilaa iyo Pogba uu doorto inuu baxayo, laakiin waxaa xan lagu helayaa inay ka soo dabcayaan go’aankooda. Xiddiga reer France ayaa isaga shaqsi ahaantiisa laga yaabaa inay soo jiidato lacagta badan ee United.

Wax walba waxa ay ku xirnaan doonaan ciyaaryahanka kaasoo haatan fasax ku maqan ka dib koobkii Euro 2016, waxaana sidoo kale xiiseyneysa kooxda Real Madrid.

Comments

comments