Somaliland: XukuumaddaOo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Inqilaabkii Fashilmay Dalka Turkiga.

180

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa markii ugu horraysay ka hadlay inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga

Xukuummada Somaliland ayaa cambaareysay Afgambiga Dhicisoobay ee xallay lagu ridayey Dawlada Turkiga ee  uu hogaamiyo Recep Dayib Erdogan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire, oo maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Somaliland ay ka xuntahay Inqilaabka Dhicisoobay ee ay isku dayeen qaarka mida ciidamada Milateriga Turkigu inay kursiga kaga tuuraan madaxwayne Erdogan.

“Waanu ka xunnahay inqilaabka ay sameeyeen ciidamada Milateriga Turkigu waanu cambaareynaynaa Falkaasi lagu Inqilaabayay dawlada ay soo doorteen shacabku”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

 

Wasiir Sacad, waxaa kale oo uu sheegay in uu nabad qabo madaxwaynaha Somaliland oo ku sugan Turkigu islamarkaana uu dalka imanayo Todobaadka kadib oo aanay waxba iska badalin safarkii uu ku maqnaa.

 

Comments

comments