Somalia: Maamulka Muqdisho Oo Ka Hadashay Afgambiga fashilmay Ee Turkiga.

135

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo War qoraal ah ka soo saaray Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, ayaa si kulul wuxuu kaga hadlay isku dayga afgambi ee fashilmay dalka Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay inuu fashilmay isku daygaasi ay Millateriga damacsanaayeen inay fuliyaan, taasina ay muujinayso sida shacabka dalka Turkiga u ilaashanayaan Nabadooda.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu garab taagan yahay Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda, islamarkaana muhiim ay tahay xilli kasta in la suggo ammaanka.

“Waa wax aanan la aqbali karin in la bedelo Dimuqraadiyada dadka reer Turkiga Sharwadayaal ciidamada ka mid ah inay isku dayaan inay dhibaato ka abuuraan ammaanka dalka Turkiga, waa wax fashilmay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isku duubni ay muujiyeen Bulshada ayaa suuragelisay in laga hortago qorshaha ciidamada Millateriga ay la doonayeen inay ku qabsadaan dalkaasi.

Comments

comments