Somaliland: Faysal Oo Calanka Kulmiye Lagu Soo Dhaweeyay Iyo Tageero La,anta Faysal

159

SAWIR WAR Ah: Faysal Cali Waraabe Oo Calanka KULMIYE Lagu Soo Dhaweeyay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng: Faysal Cali Waraabe oo socdaal ku tagay Gobolka Sanaag oo diwaangalintu ka bilaabmayso, waxa siweyn looga dareemayay tageero la’aanta la soo daristay Xisbiga UCID ee uu Guddoomiyaha ka yahay oo muran kala irdheeyay ka dhextaagan yahay.

Ka Sokow tageero la’aanta Xisbiga hadhaysay, arrinta xiisaha gaarka ah leh ayaa ahayd, inay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe u camireen tagerayaasha Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo Guddoomiyaha ku soo dhaweeyay calanka Xisbiga KULMIYE xili uu gaadhay Magaalada Ceerigaabo.

faysal

Comments

comments