Somaliland: Wafti Wasiiro Ah Oo Xukumadda Somaliland Ka Tirsan Oo U Baxay Dalka Itoobiya Iyo Ujeedada Socdaalkooda Daara Yahay

194

Wafti wasiiro ah oo ka socda xukumadda Somaliland ayaa shalay galinkii danbe ka amba baxay magaalada hargeysa iyaga oo u sii jeeda magaalada jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka somalida itoobiya.

Waxaana waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo sidoo kale wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiiid Cadaani.

Waxaana ujeedada ay waftigan ugu baxeen dalka itoobiya ay tahay sidii ay maamulka kililka shanaad uuga soo wada hadli lahaayeen arimo badan oo la xidhiidha dhanka amniga.

Waxaana waftigan wasiirada ah markii ay gaadheen magaalada wajaale oo ah magaalo xuduudeedka u dhaxeeya Somaliland iyo itoobiya ka hor yimi xubno wasiiro ah oo ka socday kililka shanaad, iyaga oo halkaasi kasii galbiyay una sii galbiyay magaalada jiigjiga.

Xubnahan wasiirada ah ayaaa ujeedkooda ay ku tageen tahay siidii ay maamulkaasi ugala soo hadli lahayeen falalka mudoooyinkii u danbeeyey ka dhacayay xuduudka Somaliland ee ay geysanayeen ciidamada Liyuu booliska ee Ina Iley-ga kililka shanaad ka amar qaata iyo waliba sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya labada dal.

Waxaana wararka aan helayno sheegayaan in xalay ay gaadheen waftigaasi magaalada jigjiga iyaga oo  xalayna kulan is waraysi ah wada yeeshay xubno wasiiro ah oo kililka ah laakiin lama oga wararna kamasoo baxayaan waxay xubnahasi kawada hadleen.

Comments

comments