Somaliland: Ciidammada Qaranka Oo Lagu Eedeeyay Inay U Daateen Guriga Uu Magaalada Ceerigaabo Ka Degay Wefti Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

253

“Ciidan Koofiyad cas ah ayaa xoog noogu soo daatay oo leh Xoog kaga baxa, Kiradiiniina waxba kama jiraan oo lacag ka badan ayay dawladdu ku kireysanaysaaye…..” Xildhibaan Baar Siciid

Ciidamada Qaranka Somaliland ee jooga  Magaalada Ceerigaabo, ayaa lagu eedeeyay inay u daateen Guriga uu Weftigii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Hoggaaminayaa ka dageen Magaalada Ceerigaabo.

Xildhibaan Baar Siciid, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland isla-markaana ka mida Mudanayaasha Xisbiga WADDANI ugu jira GolahaWakiillada, ayaa Warbaahinta sheegtay in Ciidamada Qaranka Somaliland u soo u daateen Guriga loo kireeyay in Weftiga Guddoomiye Cirro ku dego.

Xildhibaan Baar, waxaa ay sheegtay in Ciidamadu ay u sheegeen in Gurigaasi aan loo ogoleyn Xisbiga WADDANI islamarkaana ay dawladdu ku kireysanayso lacag ka badan ta uu ku kireysanayo Xisbiga WADDANI.

“Ciidan Koofiyad cas ah ayaa xoog noogu soo daatay oo leh Xoog kaga baxa, Kiradiiniina waxba kama jiraan oo lacag ka badan ayay dawladdu ku kireysanaysaaye” ayey tidhi Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ahayd Xubnaha Qabanqaabada soo dhaweynta Weftiga WADDANI ee Ceerigaabo, waxayna intaasi ku dartay “Guriga waanu goglanay oo lacagbaanu ka bixinay.”

Eedaynta Xildhibaan Baar Siciid ayaanay ka hadal Maamulka Gobolka Sanaag illaa hadda, marar badan oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhnana Wargeyska Himilo uma suurto-gelin inuu helo.

Himilomedia

Comments

comments