Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Ciidamadii Liyuu Booliska Ee Soo Galay Gudaha Somaliland.

155

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa ka hadlay sida uu u arko ciidamada Itoobiya ee soo galay xadka Somaliland maalintii sabtidii.

Wasiir Warancadde oo ay warbaahintu wax ka waydiisay sida ay xukuumaddu u aragto iyo talaabada ay qaadi doonaan ayaa sheegay in ciidamada booliska Somaliland u talaabaan Itoobiya, kuwa Itoobiyana ay Somaliland u soo talaabi karaan taasina ay tahay wax iska caadi ah waxaana hadalkii wasiirka ka mid ahaa:

“haddii aanu Somaliland nahay dawlad baynu nahay Itoobiyana xuduud baynu leenahay, ixtiraam banu isku leenahay, ciidamadayadu waxay galaan dalka Itoobiya aniga ayaa amra fasax baan u qaataa ciidamada RRU-da waxaan galiyaa Itoobiya dambiilayaasha ayay ka soo qabtaan laakiin haddii khalad dhaco waanu saxaynaa, xuduudka Itoobiyana sharci darro kuma gali karno Itoobiyana kuma soo gali karto”

Todobaadkan bilawgiisii ayay ciidamada Liyuu Boolisku ku soo xadgudbeen 18 Km oo dhulka Somaliland ah waxaanay arrintaasi dhalisay gadood shacbi.

Comments

comments