Somaliland: Doorashadii Golaha Wakiilada Oo U Muuqata Inaanay Qabsoomayn Iyo Mugdiga Ay Galin Karto Dimquraadiyadda Somaliland.

132

Doorashada golaha wakiilada Somaliland ayaa la filayaa inay dib uga dhacdo wakhtigii loo asteeyey waxaana soo baxay doodo badan oo soo jeedinaya in doorashada Madaxtooyada iyo wakiilada la kala qaado sababo ay u cuskadeen awgeed.

Xildhibaanada golaha wakiilada oo muddo 11 sano ah kusriga ku fadhiya ayaa mar kale u hanqal taagaya inay laba sano oo kale ku sii nagaadaan waxaana ay ku sababeeyeen qabyada ku jirta xeerka lagu soo dooranayo xubnaha golaha wakiilada iyo arrinka saami qaybsiga golaha oo aan illaa hadda doodiisa la dhamaystirin.

Beesha caalamka oo dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda ka taageerta Somaliland ayaa aad uga walaacsan dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka Somaliland, waxaana ay hore uga digeen in muddo kordhin dambe la sameeyo kadib markii Madaxwayne Siilaanyo laba sano oo loogu daray.

Muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada oo fadhiid u badan isla markaana aan caadi ahaan u adeegin danaha shacabka ayaa la filan karaa inay dhaawac wayn soo gaadhsiiso xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka iyadoo ay beesha caalamku nuqulo ay hore u soo saartay xukuumadda ku boorisay qabsoomidda doorashooyinka wakhtiga loo asteeyey.

Comments

comments