Somaliland: Ammaanka Guud Ee Gobolka Sanaag Oo La Adkeeyay, Ciidamo Dheeraada Oo La Geeyay & Taliyaha Booliiska Oo Gaadhay Ceerigaabo

178

Iyadoo maalinta sabtida ay diwaan galinta codbixiyayaashu ka bilaabmayso Gobolka Sanaag ayaa waxaa si wayn loo adkeeyay Nabadgalyada Gobolkaas.

Talliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo kormeer shaqo ku tagay  Shalay Caasimadda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa sheegay in Nabadgalyada Gobolka Sanaag la xoojiyay ciidamo dheeraad ahna la geeyay goobaha ay ka bilaabmayso diwaangalinta Codbixiyayaashu, “Ciidamo badan ayaanu keenay (Sanaag) oo aanu ku xoojinayno Amniga si loo sugo nabad galyada Gobolkan”ayuu yidhi Talliye Fadal.

Diwaangalinta Codbixiyaasha Doorashada 2017 ka lagu wado inay Somaliland ka dhacdo ayaa la filayaa in 15  bishan laga bilaabo Guud ahaan Deegaanada Gobolka Sanaag taasi oo nabadgalyada aad loo adkeeyay.

Comments

comments