Somalia: Golaha Wasiiradda Maamulka Moqdisho Oo Si Adag Uga Hadlay Weerarkii Magaalada Madiina.

135

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Moqdisho ayaa maanta isugu yimid kulan gaar ah, waxaana kulanka shir gudoominayay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxana ay Goluhu si adag ugu canbaareeyeen ficilkii argagixisada ahaa ee kooxaha diinlaawayaasha ahi ay ku qaadeen Masjidka Nabawiga ee Magaalada barkaysan ee Madiina.

Goluhu Xukuumaddu waxay tacsi u direen guud ahaan Caalamka Islaamka, gaar ahaan dawladda Boqortooyada Sucuudiga, iyagoo uga tacsiyeeyay ficilkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday goobaha barakaysan ee Islaamka.

Xukuumada Federaalka Soomaliya waxay taageereen baaqii shalay ay soo saareen Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay kaga soo hor jeesteen falkaa waxashinimada ahaa ee lagu beegsadey Masjidka barakaysan ee Nabawiga.

Comments

comments