Somaliland: Xukuumadda Oo Xabsiga U Taxaabtey 24 Caaqil Oo Ka Shaqeyn Waayey Nabadeynta Dagaaladii Ka Dhacey Deegaanka Dharkeyn-Geenyo

151

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in shaley ay ciidamada Booliiska Somaliland ay xabsiga dhigeen 24 caaqil,kuwaasi oo sida ay wararku sheegayaan ka shaqeyn waayeen nabadeynta shaqaaqadii ka dhacdey deegaanka Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool,halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof.

Badhasaabka gobolka Sool Mustafe Shiine oo khadka telefoonka ugu warramey wargeyska Geeska ayaa u sheegay in sababta loo xidhey cuqaashaasi ay tahay in ay ka shaqeyn waayeen nabadeynta labada beelood ee dagaalku ku dhexmarey deegaanka Dharkyn-geenyo,sidoo kalena waxaa uu sheegey in 24-ka caaqil oo ka soo kala jeeda labada beelood ee dirirtu dhexmartey lagu xidhey immika magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta dawladda oo la xidhiidha arinkani.

Geeska

Comments

comments