Somaliland: Gudoomiye Muuse Biixi Oo Bilaabay Qorshe Uu Xisbiga Kulmiye Ugu Soo Xero-gelinayo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

233

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay kulan ballaadhan oo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar muxaadaro aqooneed uga jeedinayey dhallinyarada jaamacadaha ama aqoonyahanka.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa caawa oo ay isugu yimaadeen kumanaan dhallinyarro ah aqoonyahan rag iyo dumarba isugu jira oo ballanta muxaadarada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar darteed buux-dhaafiyey barxadda kulamada noocan ah loogu tallo-galay saacado ka hor waqtigii loogu tallogalay in la bilaabo. Waxaanna dhallinyartaasi ku wehelinayey madashaasi Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo madaxda wehelinaysay waxay kala qaybgaleen da’yarta dhegaysiga muxaadarada aqooneed ee uu halkaa ka jeediyey Prof. Samatar oo mowduuceedu ku saabsanaa dhaqanka wanaagsan ee bulshada Soomaalidu leedahay iyo dhinacyada kala duwan ee uu ka kooban yahay, kaas oo intii uu gudbinayey iyo su’aalo markii dambe la waydiiyeyba qaateen muddo ilaa saddex saacadood oo xidhiidh ah.

Ka qaybgalka kulankaasi ee Guddoomiyaha KULMIYE waxa farxad wayn ka muujiyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku tilmaamay inay qadarin iyo qiimayn uu u sameeyey Guddoomiyuhu tahay, sidoo kalena dhallinyarada aqoonyahanka ee madasha isugu tagtay ayaa rayn-rayn iyo sacab qiimo badan ku qaabilay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE markii uu goobta tagay.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo markii ay dhammaatay muxaadarada aqoonyahan Samatar lagu soo dhaweeyey cod baahiyaha, ayaa hadal kooban uu halkaasi ka jeediyey kaga hadlay ujeeddada uu kulankan uga qaybgalay, waxaannu yidhi

“Waxa laga yaabaa in aad iswaydiinaysaan ujeeddadaan halkan u imi caawa, laba ujeeddo oo keliya ayuun baan u nimi oo kala ah; kow, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahankaa wayn oo sidaa uu sheegay aannu isku dugsi ahayn oo haddana aanan weli fursad u helin kulan ama muxaadaro uu jeedinayo ayaan caawa nasiib u helay in aan soo horfadhiisto oo aqoontiisa dhagaysto anigoo la mid ah dhallinyaradaa jaamacadaha. Laba, xaruntan dhaqanka ee uu inoo sameeyey Jaamac Muuse Jaamac oo iyadana in badan aan ku taamayey in aan arko oo ii suurtogashay caawa. Labadaa qodob mooyee wax kale oo ujeeddo ah halkan umaan iman dhallinyarow.”

Guddoomiye Muuse waxa uu si wayn ugu mahadceliyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar aqoonta qiimaha leh ee uu ka jeediyey kulanka, isagoo sidoo kalena ammaan iyo mahadnaqba isugu daray da’yarta fara badan ee buux-dhaafiyey xarunta dhaqanka Hargeysa.

Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin oo Dhegaystay Khubadii Prof. Samatar
Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin oo Dhegaystay Khubadii Prof. Samatar

Md. Muuse Biixi waxa kaloo uu ka hadlay dhaqanka wanaagsan ee ay lahaayeen dadka Soomaalida ahi, gaar ahaan kuwa reer Somaliland iyo isbeddellada ku dhacay ee keenay in dhibaatooyin badani ku dhacaan bulshadeenna.

Isagoo arrintaa ka ahdlayeyna waxa uu yidhi,

“Dhaqankeenna markaynu eegno waxa shalay ahayd oo aynu soo gaadhnay qofka reer Somaliland ahi hadday dhibaato kastoo xagga dabeecadda ka timaadaa ay ku dhacdo, tusaale ahaan hadduu caydhoobo ama abaari timaado amaba xoolo laga qaado uu noqdo qof adag oo dhibaatadaa maareeya. Waxa shalay ahayd iyadoo qofka Soomaaliga ah jinsiyaddiisa Soomaalinimo, midabkiisa iyo dhaqankiisu wax walba ay kala qab-wayn yihiin oo nin kasta ha caddaado ama ha madoobaade ka khashaafa, waxase la yaab leh in maanta qofka Soomaaliga ah ee soddon jirka ahi uu isagu isu haysto inuu dadka u liito. Waxa kaloo dhaqankeena ahaa oo labaatan sanno ka hor ahayd jirtay in inanta (gabadha) Soomaaliyeed keligeed iyadoo xidhan Garays oo laga yaabo in jidhkeeda qaybi muuqato ay Geella ama xoolaha raacdo oo ay la joogto kayn cidlo ah oo aanay cidi la joogin ama dhaan u rarto ilaa 100KM oo ay kalsooni iyo xorriyad ku joogto oo hadday toban nin oo hubaysani ku soo baxaan aanay ka cabsoonayn, suurtogalna aanay ahaynba xataa inay aflagaado u gaystaan, waxa lagaga cabsanayey ee lagaga baydhayeyna uu ahaa xeer dhaqan oo Soomaaliyeed.”

“Waxase naxdin leh markaad jaraa’id ka akhrido ee maxkamad la soo taago dhawr iyo toban inan (wiil) oo Somaliland ah oo jooga Hargeysa oo inantay (gabadhay) jaarka ahaayeen kufsi ku sameeyey, waxa ka sii xun markay labaatan oday soo dabagaleen ee ay yidhaahdeen ha la sii daayo inamada. Markaa dhaqan-guurka innagu dhacay arrintaasi ayaa ka mid ah ee mutacallimiinta jaamacadaha dhammeeyayow bal ka soo jawaaba waxa innagu dhacay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Comments

comments