Dawladda Djibouti Oo Si Rasmi Ah Madaxweyne Siilaanyo Ugu Casuuntay Munaasibadda Caleemo Saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele

210

Madaxweynaha Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku casuumay xafladda caleemo saarka iyo dhaarta Madaxweynaha Djibouti oo bishan dhammaatay mar kale loo doortay Madaxweynaha Djibouti.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u soo diray martiqaad rasmi ah oo uu kaga mid noqonayo madaxda ka qayb galaysa munaasibada dhaartiisa oo qabsoomaysa 8 May.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaan la filayaa inuu munaasibadaas lagu casuumay weftiga uu u kaxaysan doono  uu ka mid noqon doono guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo sidoo kale xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Madaxweynayaal kala duwan oo ka kala socda gobalka iyo qaaradda Afrika ayaa la filayaa inay ka qayb galaan caleemo saarka iyo dhaarta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo qaban qabadeeda laga dareemayo guud ahaan dalka Djibouti.

Comments

comments