Real Madrid Oo Guul Muhiim Ah Oo Ay Ku Rafaaday Ka Soo Gaadh Real Sociedad, Gareth Bale Oo Markale Masuuliyadiisa Si Fiican Uga Soo Baxay Iyo Los Blancos Oo Hogaanka La Ligaha Si Ku Meel Gaadh Ah Uqabtay

202

alse xili ciyaareedkeeda muhiim u ah ka soo gaadhay kooxda Real Sociedad, waxaana markale masuuliyada weerarka Real Madrid garbaha u riday si fiicana uga soo baxay Gareth Bale oo markael Los Blancos ku hogaamiyay guul qaali ah. Gool soo daahay oo uu Bale dhaliyay daqiiqadii 80 aad ayay Los Blancos ku soo gaadhay guushan waxayna si ku meel gaadh ah u qabtay hogaanka La Ligaha ka hore kulamada Barcelona iyo Atletico Madrid.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Sociedad (4-3-3): Rulli; Zaldua, Elustondo, Gonzalez, Yuri; Xabi Prieto, Illarramendi, Bergara; Bruma, Oiarzabal, Zurutuza.

Kaydka:Granero, Oier, Ruben Pardo, Litri, Reyes, De la Bella, Bautista.

Real Madrid (4-3-3): Navas; Danilo, Varane, Sergio Ramos, Nacho; Casemiro, Modric, James; Vazquez, Borja, Bale.

Kaydka:Casilla, Pepe, Marcelo, Carvajal, Isco, Kovacic, Jese.

Real Madrid ayaa ciyaarta dardar fiican ku bilaabtay waxayna markiiba abuurtay fursado fiican waxaana daqiiqadii 9 aad si fiican iskugu xidhmay Modric iyo Vazguez kadib James ayaa goolka Sociedad darbo ku bartilmaameedsaday laakiin goolhaye Rulli ayaa si fiican halista iskaga badbaadiyay.

Real Madrid ayaa sii ahayd kooxda fursadaha abuuraysay laakiin fursad abuuristeeda ayaa ahayd mid halistu ku yartahay laakiin isku daygooda ayaa ahaa mid joogto ah halka Real Sociedad ay weerar deg deg ah iyo difaacasho uu qorshaheedu ahaa.

DAQIIQADII 21 aad Gareth Bale oo laba jeer oo hore fursad isku dayay ayaa helay fursad cajiib ah kadib markii uu xerada ganaaxa Real Sociedad uu karoos kaga helay James balse darbada uu Bale madaxa ku sameeyay ayaa birta goolka wax yar u martay.

DAQIIQADII 40 aad James Rodriguez ayaa helay fursad fiican  kadib markii uu Isco kubbad fiican kala soo xarooday dhinaca bidix laakiin darbada uu James sida fiican ugu tuuray goolka Sociedad balse goolhaye Rulli ayaa markale badbaadiyay kooxdiisa.

Real Sociedad ayaa dhamaadka ciyaarta u muuqatay in ay xoojisay weerarkeeda deg dega ahaa waxayna si fiican uga soo weerar galaysay baalaha weerarka.Real Madrid iyo Real Sociedad ayaa min laba jeer oo kaliya goolka bartilmaameed saday laakiin Los Blancos ayaa 12 jeer isku dayday in ay goolka Sociedad darbooyin ku tuurto halka Sociedad ay shan jeer darbo ku beegsatay goolka Madrid.Si kastaba labada kooxood ayaa qaybta hore ku kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa sii adkaatay waxayna labada kooxoodba doonayeen in ay natiijo fiican ka helaan kulankan waxayna dagaal ugu jireeen sidii ay goolal ula iman lahaayeen.Daqiiqadii 54 aad Real Sociedad ayaa heshay fursad aad  ufiicnayd kadib markii uu Zurutuza uu kubbad xerada ganaaxa Madrid la soo galay isla markaana uu darbo fiican tuuray laakiin Modric ayaa kubbada daboolay oo koorne iskaga saaray.

FURSADII UGU HALISTA BADNAYD: Daqiiqadii 60 aad ciyaartoyda kaydka Real Madrid ayaa bilawday in ay dabaal degaan kadib markii ay Los Blancos u muuqatay in ay la timid goolka ay inta badan raadinaysay waxaana fursadii ciyaarta ugu halista badnayd Gareth Bale kaas oo si cad ugu muuqday in uu helay goolka furitaanka Madrid laakiin goolhaye Rulli ayaa sameeyay badbaadin layaableh.

Difaaca Real Sociedad ayaa ku fashilmay in uu kubbada iska saaro wuxuuna kubbada ku joojiyay xerada ganaaxa kooxediisa waxaana hadiyada ay difaaca Sociedad bixiyeen u muuqday in uu ku ciqaabi doono Bale laakiin darbada goolka loo fishay ayuu goolhayuhu lugta kubadbaadiyay.

Real Sociedad ayaa iyaduna la soo baxday dhiiranaan cusub iyada oo weeraro halis ah ku soo qaadaysay goolka Real Madrid . Ciyaarta ayaa noqotay mid adag oo aan la saadaalin karin laakiin Real Madrid ayaan iska dhiibin rajada ay goolka guusha kula iman karto.

DAQIIQADII 80 aad Real Madrid ayaa ugu danbayn heshay goolka ay waqti dheer baadi goobka ugu jirtay waxaana Real Madrid goolka xili ciyaareedkeeda muhiimka u ah waxaana kooxda Zidane culayska haystay ka dulqaaday  Gareth Bale kaas oo kubbad fiican ka helay Lucas Vázquez, wuxuuna Bale goolkan ku dhaliyay madax xoogan si uu ciyaarta uga dhigo 1:0 ay Madrid hogaanka kula wareegtay.

Real Sociedad ayaa markeeda ilaa dhamaadka ciyaarta raadinaysay goolka barbaraha laakiin Real Madrid ayaa awooday in ay natiijada ciyaarta sii ilaashato. Real Madrid ayaa soo gaadhay guul cidhiidhi ay oo ay ku rafaaday laakiin saddexda dhibcood ee muhiimka ahaa ee ay ka soo heshay La Real ayaa kooxda Zidane si ku meel gaadh ah ugu gacan galay hogaanka La Ligaha.

1462024544_759375_1462029216_album_grande 33AF025500000578-3567160-image-a-68_1462030392862 ChTAWP2W4AAcItl 1462024544_759375_1462027653_album_grande 3-12

Comments

comments