Somaliland: “Kursiga Ilaahay Ayaa Cid U Qoray Laakiin Qofka Haddii Dhaqan Iyo Iimaan Midna Xidhi Waayo Waa Mid Subxaanalle” Jamaal Cali Xuseen

186

Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inay kalsooni ku qabaan dacwad ay komishanka diwaangalinta asxaabta qaranka u gudbiyeen.

Dacwadan ayaa ku saabsan sidii loo kala saari lahaa ama sharciga xisbiga loo marin lahaa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Madaxwayne ee Xisbigaasi oo isku khilaafay musharaxa madaxwayne ee Doorashada 2017ka, kadib markii uu Faysal Cali Waraabe sheegay inaanu Jamaal Cali Xuseen ahayn musharaxa Rasmiga ah ee Xisbiga UCID uga qayb galaya doorashada madaxtooyada.

Jamaal Cali Xuseen waxaa uu Nasiib daro ku tilmaamay in xisbiga UCID markii labaad maxkamad la isla galo kaasi oo sheegay inu guddoomiye Faysal Cali Waraabe labada jeer uu sabab u yahay.

Musharaxa Jamaal Cali Xuseen waxaa kale oo uu sheegay inuu ka xunyahay in garabka Faysal Cali Waraabe ay baalmaraan sharciga Xisbiga oo ay diidaan musharaxnimadiisa oo lagu doortay shirkii  golihii dhexe ee Xisbiga UCID qabsaday 2012kii.

“Qofka bini aadamka ah hadii hadal, iimaan iyo dhaqan midna xidhayn waxay nagu kaliftay in aanu  maciinsano sharciga, wax walba oo uu saxeexay oo naga dhaxeeyay waxaa haya golaha dhexe wuu noo yaala waanan ku kalsoonahay oo aanu ka war sugaynaa, maanaan doonayn inay halkaas nala marto lkn way ka maarmi wayday shacabka Somaliland-na wuu ogyahay oo garta uu nakala siiyey kursigana ilaahay ayaa cid u qoray oo samada ayay ka qoran tahay”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Jamaal Cali Xuseen waxaa kale oo uu ka hadlay Diwaangalinta doorashada oo ka bilaabmaysa Gobolka Maroodijeex isagoo shacabka ugu baaqay inay isdiwaangaliyaan.“Qof walba ha is diwaangaliyo, diwaangalinta hala qaato oo qof waliba fartiisa haku ciil baxo.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Comments

comments