Somaliland: Jawaab Cad oo ku Socota Qoraagii Muujiyey Nacaybka Uu U Qabo Nabi Maxamed NNKH

160

بأي دين كان النبي (ص) يتعبّد قبل بعثته الشريفة وهل عبد الأصنام يوما؟
.
هل كان ملتزماً بشريعة أحد من الأنبياء السابقين أم لا؟
.
وهل كان ملتزما ومتعبدا مثلا بشريعة نوح أو إبراهيم أو موسى أو عيسى أم لم يكن ملتزما وعاملا بشرع أحد ؟
..
1.Nebigu CSW Risaalada Ka Hor Diintee Buu caabudi Jiray?
2.Nabigu CSW “Sanamo Ma caabuday maalin uun?
3.Nabigu CSW Ma wuxuu Ku dhaqmi Jiray Nabiyadii ka Horeeyay shareecadoodi?
4.Nabigu CSW Ma wuxuu ilaahay Ku caabudi jiray Diinti Nebi Nuux CSW,Nebi Ibraahim CSW,Nebi Muuse CSW, Nebi Ciise CSW, Mise Nebiyadaas Midna Shareecadiisa Kumuu Dhaqmin?
——————————————————————————–
.
Waxaa Mahad iyo Shukri naq iska Leh ILAAHAY SWC Waxaa Mudan In Nebi Maxamed CSW Aqoon Buuxda Loo Yeesho Madaama Rasuulkeenii Uu Yahay Khalqigana ukhayr badan yahay inta ALLE uumay.

.dadaxaan si Gaara Ugu Mhad celinayaa Akhyaartayda aan aadka Ujecelahay ee suaalihii Sida Quruxda badan ee Cilmiyaysan Uga Jawaabay Waxaan Kaloo Ku faraxsanahay in Kumanaan kale oo Asxaabtayda Facebook aan Afkaaraha kala Duwan isku Waydaarsano oo Ka Dhursugay Suaashan Jawaabteeda Maadaama aan Loo baahnayn in Suaalaha Diinta islaamka ah aan la Falan qayn sida Siyaasada oo kale Laakiin se Xujo Cad iyo Burhaan Ubaahan,

Suaalah oo Ahaa Diiniyan Qaar Fudud Jawaabtooda waynu Soo Koobaynaa
1. Sida la Xusay Nebi Maxamed CSW Weligii Sanam Ma caabudin (hal sano,hal saac, Hal Mintute) Ilaahay buu si KHAALISA Ucaabuday Waxaan inoo Caddaynaysa AAYADAN ALLE
1.وتبع ملة إبراهيم حنيفا وما كان من المشركين
2.وَلَقَدْ أُوحِيَ إِلَيْكَ وَإِلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكَ لَئِنْ أَشْرَكْتَ لَيَحْبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ

2.Nebi Maxamed CSW Wuxuu ilaahay Ku Caabudi jiray Diintii Nebi Ibrahim CSW Waayo Culmada Tafsirku Waxay “Milada Xaniif Ku Macneeyeen Diintii Nebi Ibrahim CSW” Waana sida Ka Muuqata AAYADA (وتبع ملة إبراهيم حنيفا وما كان من المشركين)
.
3.Suaalo Ku Saabsan Diintee Rasuulku Ilaahay SWT ku Caabudi jiray Waa laga Yaaba inay Yimaadan Laakiin Marnaba ma jirin “HORE iyo DIB” in Nebi Maxamed CSW ILAAHAY mooyee cid kale Caabuday.
.
NB: Waxaan Qoraalkan Diiniga Igu Kalifay Qoraalo Labadii Cisho ee u Dambeeyay Dhex yaacayay Bartan Facebook ee wax lagu soo bandhigo Lama Yaabani Wax Cusubna Maaha in Diinta “Shubho” lagu Furo laakiin waxaan aad ula yaabay Dhalinyaradii Aqoonta is Bidaysay oo Sida faalo siyaasadeed Rog Rogaysa Masalo Diiniya oo Loo Baahanyahay in laga Gaabsado hadii aanad Maqal ama aanad Aqoon ulahayn.
.
Waxaan Soo Jeedin lahaa dhalinyarada kale iyo inta aanu Barkulankan isku aragno in aanay wakhti badan iskaga Lumin ama aanay Dhex Mushaaxin Masaladan Waa inoo Ceeb.Jaahilnimo,Doqonimo,in Rasuulkaagii Ciddii Khalqiga Uga Khayrka badnayn oo aad Nasiib Xagga alle Uga heshay Inuu Nebi kuu Noqdo in Shaki iyo Shubho lagaa geliyo Risaalada Ka Hor inuu ILAAHAY Aanu Aaminsanahayn.
.
Waxaan Odhan lahaa Ninka lagu Magacaabo “HAWD” In uu Umadda Somaliga Ku hadasha ee Rasuulkooda Aaminsan uu Shubhada Diiniga ah kala Dhex baxo Anigu Sidaan arkay kama aha Dood Cilmiyeed kama aha aqoon darro laakiin wuxuu Wataa Mabda’ Diini ah oo Fog Waayo Qoraalada Qaabka uu Udhigayo ama usoo Baahiyay Waa caddaan aan Madmadow Geli Karin.
.
mabda’ Mr HAWD Wato iyo Kooxdiisu Maaha mid cusub ee Waa soo Jireen Waxana Loo yaqaan “SUUFIYA” oo ah Firqo aan Nebiga Aaminsanayn.
.
ilmaha yar ee Madarasada Quraanka soo Maray ee Diinta lagu soo Ababiyay Ayaan Liqi karin Tilmaamta uu HAWD ka Bixiyay Rasuulka CSW Waa wax laga Naxo in Kooxo Dhalinyaro ah Arinkaa Dood Faalo ah ka Dhigeen oo ay “Comment iy LIKE” Ku Raadiyaan Waxaan leeyahay yaan Damiirka Aqooneed idin dhiman Yaan Sharafta islaamku idinka Nuqsaamin Yaan ilaahay Idiin Cadhoon Yaan Rasuulku Idinka Beri Noqon.
.
Guntii iyo Gebo Gebodii Waxaan Kusoo Af meeri Lahaa ina HAWD Yaan wakhti Badan Lagu Lumin wuxuu la mid yahay Boqolaal Aqoonyahan maadi ah oo aan istijada Aqoon, Laakin waxaa inoo Balan ah in Aanu mashruuca HAWD soo Qaatay ee ka Keenay Wadan Shisheeya Saldhigiisuna Yahay Mogdisho inaanu Ka shaqayn Somaliland Waayo Waa Mabda’ argagixiso.
.
Allah mahad Leh
_____________
Abdifatah Basher Hassan
Founder & CEO of SOTCA Co,
Somaliland.
basherson@gmail.com

Comments

comments