Somaliland: Xukuumadda Oo Soo Af-jartay Murankii Banka Qool-Caday Iyo Nuxurka Qodobbada Lagu Heshiiyey

163

Xukuumadda Somaliland, ayaa  sheegtay inay Heshiis ku soo afjartay Murankii ka taagnaa Deegaanka Banka Qool-cday oo Sabtidii Shaqaaqo ka dhacday, markii halkaas Xukuumaddu geysay Riig biyo ka qodaya.

Wasiirrada Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Xannaanadda Xoolaha Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Cabdilaahi Faddal Iimaan, oo ay wehelinayaan Madax-dhaqameed iyo Aqoonyahan tiro badan oo ka soo jeeda Sallaxley iyo Qool-Cadday, ayaa si rasmi ah shalay ugu dhawaaqay heshiis lagu soo afjaray shaqaaqadii dhaawacyadda sababtay ee ka soo cusboonaatay Deegaanka Qool-Cadday oo Xukuumaddu ka waday hirgelinta Mashruuc lagu samaynayo Seeraha Banka Qool-Caday.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ugu horeyn ka hadlay Heshiiska laga gaadhay laguna soo afjaray Murankii ka taagnaa Banka Qool-Caday waxaanu yidhi “Waxa lagu heshiiyey in Riiggan Ceelka ee loo keenay dadka deegaanka in la qodo oo shacabka iyo Xoolaha Jilicsan ee Abaaraha ka soo doogay loo qodo, laba Riig oo Riigii u horeeyey ee 1-aad uu ka halkan imika taagan yahay oo Beeshuna wixii taakulo iyo gacan ah ay ka bixiso dawladduna sidii ay ugu soo talo gashay ay u habeyso oo ay u dhameystirto mashruuca, waxa kale oo lagu heshiiyey si aanu isku dhac dambe  dhicin, wixii kale ee Mashaariic ah ee deegaankani helo in la wada tashaddo oo deegaanka laga la tashado oo la wargeliyo oo iyada oo laysla ogyahay wixii bulshadda loo qabanaayo hogaanka iyo wax garadka deegaanka in la wargeliyo oo loo sheego”

Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna hormuud u ahaa Mashruucan laga fulinaayo Seeraha Banka Cool-Caday iyo Riig Biyoodka deegaankaasi la geeyey waxa uu yidhi “Goobtan aynu joogno doraad waxa ka jirtay Rebshad iyo shaqaaqo dhegtu diidayso, maantana waxa ka jirta nabad, waxa ka jirta wixii oo la isla fahmay oo waxa ka jirta iyada oo la isku af-gartay sida Wasiir Waran-cadde sheegay iyo arinta Biyaha in baahi loo qabo oo la soo saaro oo mashaariicda kale iyo wixii kale ee ku soo kordhi kara ee iman karana ay noqdaan wax laga wada hadlo oo laysku ogyahay Xukuumadduna way  balanqaaday, shacbiguna wuu balan qaaday intii hore u ogoleydna waanu u mahadnaqaynaa inta dambe ee aanu maanta isku raacnayna waanu u mahad naqaynaa oo waxaanu u mahadnaynaa Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanka, guddida, Culimadda, waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa Taliyaha Ciiddanka Bileyska Cabdilaahi Faddal Iimaan oo tudhaale iyo amni sugid labadiiba sameeyey”

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isaguna ka mid ah Madax dhaqameedka deegaankaasi ka soo jeeda kana hawlgalay daminta shaqaaqadii doraad deegaanka Banka Qool-Caday ka dhacday waxaanu yidhi “Mid yar oo dardaaran ah ayuumbaan idinkaga tegayaa anigu , waxa weeye dadkiina xoolo dhaqatadda ah ee reer Miyiga ah iyo dadka reer Magaalka ahi waa isku cadaw, waar war aydaan iska hubin in laydiin keeno oo idinkuna ku ficil qaadataan ka feejignaada marka hore”

Comments

comments