Somaliland: Jamaal Iyo Faysal Hadii Aanay Is Ogolayn,Waxan U Kala Raacayaa Sida Ay U Kala Gar Leeyihiin”.Cali-Gurray

150

Siyaasigga Cali Yuusuf (Cali-Gurray) oo ka mid ah garabyadda isku-haya Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID,ayaa sheegay in haddii ay Heshiis yihiin Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen uu isna la-heshiis yahay uun,isla-markaasna haddii uu mid gar-darran yahay-na uu ka la dulmayo garab-istaagayo. Muj.Cali-gurray,ayaa sidaas ku sheegay qoraal koobban oo uu goor-dhawayd ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebooka,waxaana uu u dhignaa sida tan: “ hadii Faysal iyo Jamaal is ogol yihin anigana labadaba waanu is ogol nahaye ha ka baqanina. Hadii aanay is ogolayn waxan u kala raacayaa sida ay u kala gar leeyihiin. Ka laga gardaran yahay ee dulman baan u hiilin ka gardaran ee wax dulmayana waan ka hiilin waana sidii NNKH eh rasuul keenu ina faray(U HIILI WALAALKAA HADII LAGA GARDARAN YAHAY IYO HADUU GARDARAN YAHAYBA). Danta UCIDna waxay ku jirtaa midnimada UCID oo iyaduna ku jirta in danta Xisbiga laga wada horaysiiyo danaha gaarka ah”. Cali-gurray,ayaa dabbo-socday hadal oo isla todobaadkan sheegay Gudoomiyaha Xisbigga UCID,kaas oo nuxurkiisu ahaa in Cali-gurray uu yahay Xudunta Khilaafka Xisbigga UCID.

Comments

comments