Somaliland: War Deg Deg Ah Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Aanay Waxba Ka Jirin Maxakamada Ay Gudbiyeen Garabka Jamaal Cali Xuseen Iyo Cali Guray Digniina U Diray Garsoorka Dalka

303

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Ayaa Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Garabka Uu Hogaaminaayo Jamaal Cali Xuseen Ee Xisbiga Ucid Kuwaas Oo Shalay Sheegay Inay Maxakamad U Gudbiyeen Dacwad Ka Dhan Ah Faysal Cali Waraabe.

Hadaba Shabakada Wararka Somalilandone.com Ayaa U Kuur Gashay Waxa Faysal Ka Qabo Arinkan Yadoo Aanu Helay Xog La Xidhiidha Waxa Faysal cali Waraabe Iyo Garabkiisa Xisbiga Ucid Aaaminsan Yihiin Arinkan Ka Soo Yeedhay Garabka Musharaxa Jamaal Cali Xuseen Oo Ilo Wareedyo U Dhuun Daloola Faysal Noo Xaqiijiyeen.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ayaa Laga Soo Sheegaya In Uu Waxaba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Dacwadaa Laga Gudbiyay Waxaanu Sheegay In LLagu Kala Bixidoono Shirwaynaha Golaha Dhexe Xisbiga Ucid Ee Dhacaaya Bisha July 10 keeda.

Shirkaas Ayuu Faysal Cali Waraabe Sheegay In Golaha Dhexe Xisbigu Ku Dooran Doonaan Musharaxa Xisbiga Ucid Uga Qaybgalaaya Doorashada Hadii Markaa Kaas La Diidi Waxay Noqonaysa Mid Ka Hor Imanaysa Xeerarka Iyo Dastuurka Dalka Ee Xisbiyada Qaranku Xaqa U Leeyihiin Inay Doortaan Musharaxooda.

Dhanka Kale Waxaa Uu Digniin U Diray Hayadaha Garsoorka Dalka Oo Uu Uga Digay Inay Soo Faragaliyaan Xisbiga Ucid Ee Shirwaynaha Dhawaan Qabsan Doona.

Faysal Cali Waraabe Ayaa Hadalkiisi Kusoo Afmeeray In Hadii Maxakamadu Isku Daydo Faragalin Xisbiga Ucid Ah Ay Noqonayso In Xisbiga Kulmiye Na La Diido Shirkiisi Golaha Dhexe Ee Lagu Doortay Musharaxa Cusub.

Comments

comments