Suuqa Kale Iibsiga: Arsene Wenger Oo Dib U Habeyn Ku Sameynaya Arsenal Isagoo Keenaya Sadex Xidig Oo Heer Caalami Ah

160

Arsene Wenger ayaa doonaya inuu dib u habeyn ku sameeyo kooxdiisa Arsenal isagoona suuqa ugu jiro soo helitaanka xidigo muhiim ah oo uu kooxdiisa ku soo kordhiyo.

Daily Mirror ayaa sheegeysa in Wenger uu kala tashaday la taliyeyaashiisa xidigaha kala ah weeraryahanka kooxda Juventus ee Alvaro Morata, xidiga khadka dhexe ee Borossia Monchengladbach ee Xhaka Granita iyo daafaca dhexe ee kooxda Roma ee Kostas Monalas.

Arsenal ayaa hore isugu dayday saxiixa xidigahaan sadexda ah waxayna hore u raadiyeen suurogalnimada ay ku heli karaan weeraryahan Alvaro Morato halka ay labo xili ciyaareed ka hor ay raadiyeen la soo wareegitaanka daafaca haatan ka tirsan kooxda Roma ee Kostas Monalas kaasoo markaas ka tirsanaa kooxda Olympiakos laakin wuxuu markaasi ku biiray Roma.

Sidoo kale bishii January  ayeey kooxda Borussia Monchengladbach ee Xhaka Granita kaasoo au dhowr jeer weydiyeen helitaankiisa kooxda ree jarmal, waxayna Mirror au sheegeysaa in Wenger uu xidigahaan ku dalban doono lacago wadar ahaan gaaraya £73 milyan oo pound.

 

Lacagtaas ayaa u qeybsameysa £30 milyan oo pound oo au ku dalbanayaan Alvaro Morato, £10 milyan oo pound oo au ku dalbanayaan Kostas Monalas, halka ay £23 milyan oo pound oo ay ku dooni doonan Xhaka Granita.

Comments

comments