Real Madrid Oo Gacmaha Manchester United Kala Baxeysa Jose Mourinho Laakin Hal Shuruud Ayaa Hortaala In Zidane Laga Ceyriyo Kooxda Los Blancos

174

The Mirror ayaa sheegeysa in Real Madrid ay gacmaha Man United kala bixi doonto macalin Jose Mourinho hadii uu Zidane ku guuldareysto inuu dhanka kale u rogo natiijadii 2-0 aheyd ee ay kala kulmeen kooxda Wolfsburg kulanka lugtii koowaad ee Champions League wareegiisa sideed dhamaadka.

Perez, madaxweynaha Madrid ayaa aad ula dhacsan macalinkii hore ee kooxaha Porto, Chelsea, Inter iyo Real Madrid waxayna kooxdiisa ku qasbanaan doontaa iney u naqaaqaan saxiixiisa hadii ay kooxda xili ciyaareedkeedii labaad ku dhameysato faro marnaan maadaama ay macsalaameeyeen horyaalka sidoo kalena laga soo reebay Copa Del Rey halka Championship league ay meel adag ka taagan yihiin.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Man United iyo Jose ayaana ilaa haatan gaarin wax heshiis ah sidoo kalena aysan wali go’aansan cidii kooxda hogaamin laheyd xili ciyaareedka danbe, inkastoo uu Ed Woorward la dhacsan yahay Van Gaal laakin cadaadis kaga imaanaya  madaxda sare ee kooxda ayaa keeni kara in macalinka lagu caajisay laga ceyriyo shaqada Reds.

 

Jose Mourinho ayaa hore isaga diiday kooxda Madrid si uu u helo shaqada kooxda United xagaagan, wuxuuna hore u xaqiijiyay inuu doonayo inuu kasii shaqeeyo Premier league taasoo cadeyneysa inuu isaga u janjeero dhanka kooxda United.

Comments

comments