Somaliland: Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Wasiirkii Hore ee Arrimaha Bulshada Iyo Shakhsiyaddii Uu Ku Yaqaanay Marxuumka

167

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku geeriyooday magaalada Burco shalay

Sidaa waxa uu Ku Sheegay Suldaan Maxamed  oo kamid ah masuuliyiinta magaallada Burco haatan u tegey ka qayb galka jinaasadda marxuumka ayaa xalay mar uu jidka Hargeysa iyo Burco u dhexeeya  isagoo maraya la soo xidhiidhay warbaahinta  waxaa   ku tilmaamay Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali inuu ahaa siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib-u-dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey bulshadiisa,isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mufakirka ah ee dalkeennu lahaa. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.”

Comments

comments