Somaliland: Magaca Nin Toori Lagu Dilay Oo Meydkiisa Laga Helay Goob Cidlo ah oo ku Taala Berbera

190

Marxuumka Dhintay Iyo Gacan Ku Dhiiglaha Dilka Gaystay Ayaa La Sheegay Inay Ka Mid Ahaayeen Muruq Maalka Dekeda Berbera.

Alle ha unaxariistee,Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Muruq Maalka Dekeda Berbera oo lagu magacaabi Jiray Jaamac Maxamed Cabdi ayaa Shalay Meydkiisa laga helay Goob cidlo ah oo uu keligii seexa jiray,waxaana la sheegay inuu u dhintay Toori uu ku dhuftay nin ay Dekeda ka wada xoogsanayeen oo sida la sheegay Markii uu falkaasi fuliyay baxsaday islamarkaana ay illaa xalay ay ciidanka Nabadgalyada Gobolka Saaxil baadi goob ugu jireen halka Marxuumka dhintay Meydkiisana lagu riday Tagaalad islamarkaana ay eheladiisu diideen in la aasso illaa la soo qabanayo gacan ku dhiiglihii dilay.
Sida warkani nagu soo gaadhay Marxuumkan Meydkiisu yaalo ayaa waxa kuyaala nabaro Toori ah kuwaasi oo la sheegay inuu u dhiigbaxay halka goobtii laga soo qaaday Meydkiisana sawiro laga soo qaaday ay muujiyeen inuu Marxuumkaasi aad u dhiig baxay ka hor intaanay naftu ka dhicin,iyadoo warkani intaa ku daray in ninka dilka gaystay la garanayo,islamarkaana magaciisa lagu sheegay Cawl. Marxuuka dhintay ayaa sida la sheegay ka soo jeeda Deegaanka Bariga Burco halka Gacan ku dhiiglaha dilka gaystay ee Fakadka ku maqani sida lanoo xaqiijiyay uu ka soo jeedo Deegaanka Galbeedka Burco,waxaana la sheegay in dilkani Shalay si weyn u wada gaadhay Gobolka Saaxil iyo Gobolka Togdheer oo si weyn looga wada hadal hayo islamarkaana baadi goob loogu jiro sidii gacan looga siin lahaa Ciidamada Amaanka soo qabashada Gacan ku dhiiglaha dilka gaystay.
Inkasta oo aanay Xukuumadda Siilaanyo iyo Laamaha Amaanku ka hadal Dilkaasi, Haddana Warar xalay naga soo gaadhay Magaalada Berbera ayaa noo xaqiijiyay in Magaalada ay soo galeen Oday dhaqameed ka soo jeeda Ehelka Marxuumka Dhintay islamarakaana ay dalbadeen inaan la aasin Meydka illaa laga soo qabanayo Gacan ku dhiiglaha dilka Gaystay oo la aaminsan yahay inuu ka baxay Magaalada Berbera oo uu u fakaday dhinaca Magaalada Burco,halkaasi oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo ama ehelkiisu degan yahay. Ciidamada Amaanka Gobolka Saaxil ayaa saacadihii u dambeeyay baadi goob balaadhan ku raadcaynayay Gacan ku dhiiglaha dilka Gaystay ee Fakaday si ay u soo afjaranto Xaalada ka dhalatay dilkaasi Shalay dhacay ee Gobolka Saaxil. Lama sheegin sababta ku kaliftay Gacan ku dhiigluhu inuu falkaasi ku kaco maadaama oo lagu war helay uun meydka islamarkaana aan wali hayn gacan ku dhiiglihii dilka gaystay oo aan la ogayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Comments

comments